![]() |
||
|
|
||
|
Banaan bax Nabadeed laguna diidan yahay Amni darida ku soo badanaysa Gaalkacyo oo maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta dawlad goboleedka Gal-mudug State.
Oct,18,2007 www.Hobyoradio.com
Dibadbax aad ubalaaran oo looga soo horjeedo amnidarida baryaahan danbe ku soo badayana magaalada Gaalkacyo ayaa manta ka dhacay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee xarun goboleedka Gal-Mudg State.
Banaan baxaan oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka iyo dhalin yarada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalda Gaalkacyo ayaa watay makrofoono cod baahiyaal ah waxaana dibada baxayaashu socod dheer ku soo mareen guud ahaan wadooyinka waa weyn ee maagaalda Gaalkacyo, ayagoona ku qaylinaya Erayo ka dhan ah dadka rabshadaha iyo amaan darida kawada Gaalkacyo.
Waxaana ka mid ahaa hal ku dhiga ay adeegsanayeen dadka banaanbaxa dhigayay Dhiig sokeeye doonimayno, dagaal sokeeye doonimayno, danaysi gaar ah doonimayno iyo Erayo kale dadka dibad baxaya manta ka digay Gaalkacyo, ayaa ugu baaqay daaka dhibaatada ka wada magaalda Gaalkacyo in ay arimaahas faraha kala baxaan isla markaasina unaxaan dadka masaakiinta ah ee wax yeelada a ugaysanyaan waxayna xuseen in dhibaatada ugu badan ay soo gaarayso dadka taagta daran gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta. Dibad baxa nabadeed oo socoday mudo saacado ah ayaa ugu danbayntii ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan dibad baxaan ay dhigeen Dhalinyarada iyo Haweenka Gaalkacyo ayaa ka danbeeyay kadib amaan dari baahsan oo baryahaan laga dareemayay xaafadaha iyo suuqyada Gaalkacyo taasoo ay gaysanayaan kooxo maleeshiyo ah oo hubaysan kuwaasi oo mararka qaar dhac ugaysta goobaha ganacsiga gaar ahaan xiliyada habeenkii ah oo ay u soo weeraraan goobaha ay yaalaan Hantida badani isla markaasina u gaysta boob Hantiyadeed. Cabdalla Max’d cabdille Xaafiiska hobyoradio Gaalkacyo,Gal-Mudug State of Somalia, Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||