![]() |
||
|
|
||
|
Kusimaha Madaxweynaha Gal-Mudug oo ka hadlay amaan darida ka jirta magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gal-Mudug State.
Oct,18,2007 www.Hobyoradio.com
Kusimaha Madaxweynaha Gal-Mudug oo ka hadlay amaan darida ka jirta magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gal-Mudug State.
Kusimaha Madxweynaha dawlad goboleedka gal-Mudug State Mudane Cabdizamad Nuur Guuleed oo uwaramayay hobyoradio xarunteeda Gaalkacyo ayaa ka hadalay arimo la xiriira amaan dari baahsan oo baryahaan danbe ku soo badanaysa Suuqyada iyo xaafaha kala duwan ee magaalda Gaalkacyo ee xarunta (DG) Gal-Mudug State.
Mudane Cabdizamad Nuur Guuleed waxa uu sheegay in falalka amaan darida u keenaya magalada Gaalkacyo ay tahay wax laga xumaado oo aan laga aamusi Karin maadama buu yiri ay tahay caqabad soo food saartay shacbiga, taasina waxa uu Cabdizamad sheegay in waxa kaliya ee looga gudbi karaa ay tahay iyadoo shacabka ku nool Gaalkacyo ay yeeshaan wada shaqayn iyo in meel looga soo wada jeesto kooxaha wax ma garatada ah ee dhibaatada ku haya bulshada. Dawlada goboleedka Galmudug ayuu sheegay in ay wax ka qabanayso arimahaas oo ay talaabo cad oo ka qaadi doonto, waxaan weyn ayaan ka qaban doonto arimaha nabad galyada, iyadoona sida uu sheegay mudane Cabdi Zamad ay arimahaas maal maha soo socda wax ka qaban doonaan ciidmada Booliska ee Gal-Mudug State, waxa uuna ugu baaqay kooxaha dhibaatada ku haya shacabka in ay arimahaas ka waantoobaan hubkana dhigaan dadka rayidka ahna wax yeelada ka daayaan. Hadalka sii haya xilka madaxweynaha ee Gal-Mudug State Mudane Cabdi Zamad Nuur Guuleed ayaa ku soo beegmaya xili maal mihii ugu danbeeyay Gaalkacyo ay ka jireen falal amaan dari ah oo ay gaysanayaan kooxo maleeshiyo ah waxaana jirta dilal dhac boob hantiyadeed iyo rasaas aan loo meel dayin oo lagu weeraray xarumaha ganacsiga ee magaalada Gaalkacyo. Waxaana arintaas walaac ka muujiyay dadka deeganka waxaana jira isu soobaxyo iyo mudaharaadyo lagu diidanyahay arimaha caynkaas oo kale ah ee maagalada Gaalkacyo ka dhaca. Cabdalla Max’d cabdille Xaafiiska hobyoradio Gaalkacyo,Gal-Mudug State of Somalia, Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||