|
Marie Dedieu oo Aheyd Haweeneydii Faransiiska Ee Dhawaan Dalka Kenya Lagasoo afduubtay oo Maanta Geeriyootay.
Oct,19,2011
www.Hobyoradio.com


Marie Dedieu oo Aheyd Haweeneydii Faransiiska Ee Dhawaan Dalka Kenya Lagasoo afduubtay oo Maanta Geeriyootay.
Bilowgii bishaan 201 ayay aheyd markii Haweeney faransiis ah oo lagu Magacaabo Marie Dedieu oo Misna Cuuryaan ah jirana ay usii dheereed oo ay soo afduubteen Koox burcad Soomaali ah ayagoona kasoo afduubtay jazeerada lamu ee Ku Taala dalka kenya.
Geerida Haweeneydaani Faransiiska ah ayaa Waaxa Xaqiijiyay Wasiirka arimaha dibada dalka faransiiska Haweeneyda iyana lagu Magacaabo Michèle Alliot-Marie Waxaana ay sheegtay in Marie Dedieu ay ku Geeriyootay dalka soomaaliya ayadoo xiligaasi gacanta ugu jirta Koox burcad Soomaali ah.
Wasiirka arimaha Dibada Dalka faransiiska Michèle Alliot-Marie oo lahadlaysay Maanta Tvga al Jazeera Qeybta Englishka waxaana ay Shaaca Ka Qaaday in Haweeneydaani Faransiiska ah ay Wadeen qorshe ay Ku doonayaan in ay ku soo furtan Marie Dedieu Balse loo soo sheegay in ay Geriyootay.
Wasiirka ayaa sheegay in Geerida Haweeneydaani ay utiranayan Maadaama ay aad uxanuun saneed ayna Qaadaneysay Dawooyin aanan Laga Helin soomaaliya sidaasina ay ku weysay Wax Daaweeya ayna ugeeriyootay.
Ayadoo sii hadlaysay ayay sheeegtay in dowlada faransiiska ay aad uga xun yihiin Geerida Marie Dedieu ayna cambaareynayan Kooxdii Burcada ahaa ee markii Hore ka soo Qafaashay Jazeerada lamu oo ka tirsan Dhulka Kenya.
Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|