Siminaar looga hadlayay Hor umarinta biyaha iyo Dhawrista Nadaafada ayna Soo qaban qaabisay Hay’ada SCDO Oo lagu soo gaba gabeeyay Xarunta Hay’adaas Magaalada Gaalkacyo ee xarunta dawlad goboledka Gal-Mudug State. {Daawo Sawirada}

Oct,19,2007 www.Hobyoradio.com

Xaflada aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen Masu’uliyiinta hay’ada SCDO, dad ka kala socday degmooyinka dawlad goboleedka Gal-Mudug State iyo marti sharaf kaladuwan oo lagu casumay ayaa lagu qabtay xarunta Hay’da SCDO qaybteeda magaalda Gaalkacyo ee xarun goboleedka Gal-Mudug State.

Xaflada oo ahayd mid lagu soo gaba gabaynayay Siminaar socday mudo dhawr casho ah, waxaa looga hadlayay hor umarinta biyaha iyo dhawrista deeganada ku teedsan gobolka Mudug ee dawlada goboleedka Gal-Mudug waxaa ugu horayn xaflada lagu xiray siminaarka ka hadalay Madaxa ha’ada SCDO qaybteeda Soomaliya Mudane Mursal xaashi Shirwac oo sheegay in siminaarka ay ugu tala galeen demooyinka iyo toolooyinka  GalMudug.

Waxa uuna xusay in siminaarka oo ay casharo ka bixinayeen macalimiin ajaanib ah ujeedkiisu ahaa barsahada hor umarinta biyaha iyo dhawrista deeganka iyo sidoo kale arimaha caafimaadka.

Shirwac waxa uu intaasi ku daray in siminaarka uu ka dhacay laba meelood oo kala ah magaalda Gaalkacyo iyo magaalada Wisil isla markaasina la soo gaba gabeeyay labadiiba waqti isku mid ah.

Mursal xaashi shirwac madaxa hay’ada SCDO qaybteeda soomaliya ayaa ugu danbayntii sheegay in siminaarka ay ka faaidaysteen in ka badan 60 ruux oo ka kala yimid degmooyin iyo toolooyin badan oo ka tirsan Gobolka Mudug..

Degmooyinka iyo Tuuloyinka loo Qabtay Siminaarka.

Cel-Guula, Wisil, Bandiiradley, Bitaale, Bud-Bud, Galin-Soor,Galbarwaaqo, Qaydaro, Qor-qoora, Carfuuda, Godod, Dawaaf, Jilable, Bajeela, Dawgaab, Hilmo, Wargalo,  Dagaari,  Xeero-dhagaxley, Ceeldibir, Sedex-xiglo, Gawaan, Toore, Xaaro. Naara-jiinle, Qodox-doole,

Mahad gaar ah waxaan ucelinanaa Wariye Cabdi waaxid Macalin isaaq oo ka mid ah wariyaasha idaacada codka Mudug ee magaaada Gaalkacyo oo sawirada iyo warbixintba gacan weyn ka gaysatay Goob joogna ka haa xaflada SCDO xili wariye Cabdalla Max’ed uu ku maqnaa safar gobolada ah.

Cabdalla Max’d Cabdille

Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,

Gal-Mudug State of SOMala,

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com