|
Ciidmada Dowlada Ee Degmada Dhoobleey oo Labo Qof oo al Shabaab ah Ku Dilay Mid kalana gacanta ku dhigay.
Oct,2,2011
www.Hobyoradio.com



Ciidmada Dowlada Ee Degmada Dhoobleey oo Labo Qof oo al Shabaab ah Ku Dilay Mid kalana gacanta ku dhigay.
Ciidamada Dowlada KMG ah soomaaliya ayaa Maanta Howl Galo Balaran Waxa ay ka Sameeyeen xaafadaha Degmada Dhoobleey Ee goblka J.hoose Halkaasi oo Dagaal Shalay dowlada lagu soo qaaday Lagala wareegay Dhoobleey Balse Markii Dambe ay al shabaab iskaaga Baxeen.
Aroortii Hore Ee Saakay aya la sheegaya in Ciidamada ay Baaritaano Ka Sameeyeen Xaafadaha Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose Halkaasi oo ay Ku soo Qabteen ilaa iyo 3 Ruux oo dhamantood ah Kooxda al shabaab Balse labo kamid ah isla goobta Lagu dilay Kan Kalana ay wali gacanta Ku Hayaan.
Baaritaanada ciidamada Dowlada ay Kawadaan xaafadaha Degmada Dhoobleey ayay kaga Sifeynayaan dadka Lashaqeeya Ciidamada al shabaab oo Gudaha Dhoobleey Ka Buuxa ayadoona ay sidoo Kale ay Jiraan Dad shacab ah balse kamid ah Kooxda al shabaab oo Dagaalkii shalay ka qeyb Qaadanayay Sida la soo sheegayo.
Dilka Labadaani Qof ayaa La Tilmaamay in La xaqiijiyay in ay Kamid ahaayeen Xarakada al shabaab oo ay shalay ka qeyb qaadanayeen Dagaalkii ka dhacay Gudaha dhoobleey oo ciidamada Dowlada Dagaal Loogaga Saaray Balse markii Dambe Dib ugu soo Laabtay al shabaabna ay iskaaga Baxeen.
Dowlada KMG ah soomaaliya iyo Ciidamada xarakada al shabaab ayaa dhowr Jeer oo Hore ku Dagaalamayay ayadoona Magaalada Dhoobleey ay Noqotay in Xiliba ay Koox /xukunkeeda iska Lahaato.
Xafiiska radiohobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|