Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Wafdi ka socda Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya oo maanta Kulan la qatay Madaxda Galmudug.

Oct,2,2011 www.Hobyoradio.com

 

Wafdi ka socda Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya oo maanta Kulan la qatay Madaxda Galmudug.DHAGAYSO


Wafdigaan ayaa waxa ay ka koobnayeen ilaa 4xubnood, Ayagoona ka socday Xafiiska Siyaasada Qaramada midoobay Arimaha soomaaliya, Waxayna kadib markii Magaalada Gaalkacyo soo gaareen ay kulan la qaateen Madaxda Dawlad Gobaledka Galmudug.


Kulanka labada dhinac ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa Saxaafada ugu warbixiyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug C/Samad Nuur Guuleed, Asagoona Sheegay in maanta ay soo gaareen Wafdi ka socda Unpos, uu Hugaaminayo Mr Coocha, ayagoona u sheegay in ay soo dirsadaan Gudi Farsamo, oo uga qayb gala Shirka Gudiga Farsamada Soomaaliya ay ku yeelanayaan bishaan hada bilawga ah sagaalkeeda, Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Ayaa sidoo kale Sheegay in Kulankaan Galmudug ay uga qayb galayaan 5xubnod oo labo ka mid ah ay yihiin Qabiiriin dhanka siyaasada ah, islamarkaana ay soo xuli doonaan, Xubnaha Shirkaasi uga qayb galaya.

C/samad Nuur guuleed ayaa hadalkiisa ku siidaray in Shir dag dag ah ay fariisteen Golaha Wasiirada Galmudug, kaasi oo looga hadlayay Xaalada Abaareed ee Gobolada Galmudug, Asagoona Sheegay in Gudi la magacaabay, Gudigaasi oo soo kormeeri doona Gobolada iyo Dagmooyinka Galmudug ee Abaartu ka jirto, Ayagoona Sidoo kale Gudigaasi ay soo qiimayn doonaan Dagmooyin Xafiisyo Dawlada ay ka furto, kuwaasi oo lagu shaqeeyo.

Gudigaan haatan lamagacaabay ayaa waxa ay ka kooban yihiin ilaa 5xubnod, ayadoona sadex ka mid ah ay yihiin Wasiiro, Sida Wasiirka Maaliyada C/laahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Xuseen Sheekh iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dakadaha C/laahi Salaad, halka mid kamid ah uu yahay Xildhibaan, iyo Gudoomiyaha Gobolka Hobyo Cali Dhuux Ducaale.

Dhan Walba hajirtee Gudigaan Maanta la magacaabey ee Kormeerka Gobolada Galmudug ayaa waxaa la filayaa in maalinta bari ah ay ka anbabaxaan Magaalada Gaalkacyo.

siciid jaani
siciidjaa@hotmail.com

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|