|
Al Shabaab iyo Dowlada KMG oo Maanta Muqdisho Ku Dagaalamaya
Oct,20,2011
www.Hobyoradio.com


Al Shabaab iyo Dowlada KMG oo Maanta Muqdisho Ku Dagaalamaya
Dagaalkaan xoogan oo udhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG ah Soomaaliya ay is Garab sanayaan Kuwa Amisom iyo Kooxda al shabaab ayadoona uu Manta dagaalku ka dhacaya Degmada Deyniile Ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa waxaa Saakay aroortii hore Qaaday ciidamada amisom iyo kuwa dowlada ayagoona Waday Qorshe ay Kula wareegayaan degmada Deyniile oo ay Wali Kusugan yihiin Haraadiga Kooxda la shabaab.
Dagaalka ayaa Wali si toos ah uga socda Degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho ayadoona sida ay Saraakiisha Dowlada ay sheeganayan in ay La waregeen intii Badneyd Degmada Deyniile ayna al shabaab Ka eryeen mana jirto wax war ah oo Ka soo baxay dhanka kooxda al shabab Walina uu Dagaalku socdo.
Dagaalka ayaa la tilmaamay in uu si gaar ah uga socday Xaafada Bangala oo ka Tirsan Dayniile ayadoona Durbaba Saakay la arkayay Dadweynihii halkaasi Daganaa oo ka soo Qaxaya.
Dowlada KMG ah soomaaliya ayaa wacad Ku Martay in ay gabi ahaan La wareegeyso gacan ku heynta Guud ahaan Magaalada Muqdisho ayagoona Haatan 95% Gacanta ku Haya Magaalada Muqdisho.
Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|