|
Gabaygan waxaa la yiraahdaa “Iska Samir”, waxana tiriyay Avv. Cabdiraxmaan Xaaji Ereg,
Oct,20,2011
www.Hobyoradio.com


Gabaygan waxaa la yiraahdaa “Iska Samir”, waxana tiriyay Avv. Cabdiraxmaan Xaaji Ereg, wuxuna jawaab u yahay Gabaygii “SALAL” ee ay tirisay Marwo Maryan Warsame Cawl.
Siinlayda gabayga Maryamay adigaa saamigeed helaye
Suugaanta Hablaha waayahan adigaa calanka u side e’
Waxa aad saluugtay iyo wixii aad suuraddeed ifisay
Waa wada sax oo waa waxan caadba saarnayne
Hayeeshe, dadka uma sinnee aniga sallow igu beerye
Saxariir aan qarsanyay ayuu markale uga sii daraye.
Soomali docdii aad eegtaba saaqday dhiilladuye
Soo jireenka cadowgeedi ayay talada saarteene
Seetaha iyo boqnaha uu goynayoo sed moodeene
Saac aan jirin iyo dhalanteed baa darbi loo suraye
Silica iyo saxarirta ay qabaan dahaar laga saaraye
Sallanka waxaa loo fuulayaa waa sad quureede
Soomaalinimadii iyo sharaftii suubanaan ma lehe
Magacii Soomaali inuu suulo bay ku socotaaye.
Saameeh dalkeenna oo idil saman colaadeedku
Sokeeyaha is- dilayiyo ee waxba kala sidanin
Birta la isku soohdiyo duulkan seedaha isgooyay
Saqiirra gawraca iyo xasuuqa sabab la’aantaasa
Siyaasadahan gurracan iyo geeda sarawaabka
Sahan la’aanta geediga iyo seera dhaafyadaba
Suuradihii qurankiyo sunnihi loo saldhigiwaaye
Dhaqankiyo hiddihii suubanaa duurka lagu sayray.
Salfudayd mooye markii sakuun laga wayay
Sidii duulka saar qaba ama saqraan waalan
Waxay sarakacan amaa geed salooshaanba
Waataas abaar lagu saliday soof ma reebtaaye
Cudurrada silloon waataas saaqday idilkoodo
Sidii soofka xoolaha waataa seero laga buuxshay
Waataas saboolnimo darteed silicu haystaaye
Waa kuwaas badaha lagu sayriyaa sabiyadoodiiye
Waataas sawirrada laga naxaa meel waliba surane
Sankuneeflaha oo idi waataas laga wada soocay
Garba siman duul aan kala sarreyn waa si gooniye e
God sired kii qodayiyo iyo midkii saamahood tolaya
Samadoon iyo waxgarada ama macangag soo taagan
Siyaasi qaaibay iyo kuwaa suuqyada ka buuqa
Lama kale saaaro oo waa waxay hagari saanyootay.
Mar haddii sahankaadi iyo saadaashu isdiiday
Oo saluugno ku yimid maamulkii iyo dhaliil suganba
Caqabada soocan iyo waxa jiro sabab gooniyahe
Oo Soomaalida aan ula simannahoo saaidaa jire
Farya-suulis kama maarantiyo saxitaan dhabe
Sabiguba ciidan lagama sugo dhowr sanoo hore
Sasab iyo waxa lagu korshaa camal samaantaas
Iska samir insnsha’alla waqtigu waa ku saacidine
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|