|
M/weyne Shariif oo Maanta Dalka Turkiga Kulan Kula Qaatay madaxweynaha Dalkaasi Cabdala Guul
Oct,20,2011
www.Hobyoradio.com


Madaxweyne Shariif oo Maanta Dalka Turkiga Kulan Kula Qaatay madaxweynaha Dalkaasi Cabdala Guul
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Mudane Sheekh shariif sheekh axmed iyo wafdigii Balaarnaa uu Hogaaminayay ayaa Maanta Kulan La Qaatay Madaxweynaha dalka Turkiga ayagoona Kawada Hadlay arimo badan oo Dalka soomaliya iyo xiriirka udhaxeeyo Labada Dal.
Kulanka ay Wada Qaateen Madaxweyne shariif iyo Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul ayaa Waxa ay Kawada hadleen arimo ay Kamid Tahay gargaarka bani’aadanimo, amniga, arimaha dib u heshiisiinta, dhismaha, waxbarasha dastuurka Iyo Wax Yaabo Kale oo isla dalka soomaaliya ubaahan yahay.
Kulanka Mas uuliyiintaani ay Wada Yeeshen ayaa waxaa Xaqiijiyay agaasimaah Madaxtooyada Soomaaliya asagoona ka qeyb Galay Kulanka shariif iyo cabadala guul ay Wada Qaateen ayadoona uu Kulanka madaxda uu Saacado badan socday.
Kukanka inta uu socday Waxaa Goobta Ka Hadlay madaxweynaha Dalka Turkiga cabdala guul oo sheegay in Wax Yaabihii Tirada Badnaa ay Kawada Hadleen ay si dhaqso ah Turkiga Waxa Uga Qaban doona asagoo Sidoo kale Cabdala Guul sheegay in Mardhow Muqdisho ay Ka furnayaan Safaaradii dalka Turkiga ayadoona uu sidoo kale Shaciyay in ay Turkiga Qabaneyso shir Loogaga Hadlayo arimha dalka soomaaliya.
Xafiiska Radio Hobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|