![]() |
||
|
|
||
|
Dagaal qaraar oo Caawa Fiidkii dhax maray Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee kusugan Isbartiibada Muqdisho.
Oct,20,2007 www.Hobyoradio.com
Dagaal qaraar oo Caawa Fiidkii dhax maray Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee kusugan Isbartiibada Muqdisho.
Dagaal qaraar oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa galabta Maqribkii ka bilaawday magaalada Muqdisho, dagaalka oo ah mid aad uxoogan ayaa u dhexeeyay kooxaha Muqaawamada Soomaaliya iyo Ciida,adsa gumaysiga Itoobiya ee ku soo duulay dalka Soomaaliya. iska horimaadka oo laysku daeegsaday hubka waawayn ayaa ka bilaawday Isbartiibada Muqdisho gabal dhicii Maanta, goob joogayaal kusugan goobta ay wax ka dheceen ayaa hobyoradio.com u sheegay in dagaalayahano Soomaaliyeed ay galabta Jihaad la galeen Ciidamada gumaysiga Itoobiya. Maqribkii Caawa ayuu dagaalku ku faafay xaafado dhowr ah sida Isgoska Towfiiq ilaa iyo Miisaanka dhuxusha, xiligii uu dagaalku bilaabanayay ayay Ciidamada gumaysiga Itoobiya isku dayayeen in ay dhac iyo baaritaano kasameeyaan xaafadaha balse Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyay oo Madaafiic iyo baasuukayaal ugu soo jawaabay waxaa lafilayaa in ay soo kordhaan qasaaraha caawa gaaray Ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Muqdisho, Somalia
Jen. Gabre, Cali Geedi
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||