Xaflad lagu Maamuusayay Dhismaha Ururka dhalin yarda Mudug {U.Y.M.} IYO Furitaanka Dugsiga H/Dhexe Janaral caydiid oo lagu qabtay Xaafada Israac Degmada Wadajir Magaalada galakcyo ee dawlad goboleedka gal-Mudug State.{Daawo Sawirada xaflada}

Oct,21,2007 www.Hobyoradio.com

 
Xaflada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay boqaal  Dadweyne ah iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casumay xafladda, culimo udiin,Dhalinyaro, mas’uuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka Gal-Mudug State, bahda saxaafada gobolka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ,Xaflada oo bilaabatay abaarihii 4:00 Galabnimo ayaa waxaa ugu horayntii lagu furay ayaadha qur’aanka kariimka ah. Intaasi kadib waxaa bilawday qudbadihii loogu tala galay xaflada oo ay ka hadleen maamulka iskuulka Mudug MSS oo ahayd dhismaha lagu dhigay xaflada, ardayda  culimo udiin, iyo masu’uliyiinta ururka dhalinyarada Mudug  waxaa ugu horayn wacdi qiimo badan halkaasi ka soo jeediayay macalin cabdul jaamac oo ka mid ah culimo udiinka reer Gaalkcayo oo ka hadlay la ka cabsiga in lagu dadaalo.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabda gudoomiyaha ururka dhalin yarda mudug oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan U.Y.M. Mudane Max’d cabdi Abshir oo faah faahin ka bixiyay ujeedka ururka loo aas aasay iyo wax qbkiisaba waxa uuna sheegay gudoomiyuhu in ururka dhalin yarada mudug uu wax badan k aqaban doono hawlaha nadab galyada waxbarshada, iyo wacyi galinta bulshada ku nool guud ahaan gobolka mudug.

Munaasbada lagu dhisay ururka dhilin yarada mudug laguna furay sikuulka hoose dhexe janaraal caydii ayaa sidoo kale waxaa hadal ka soo jeediayay gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee dawlad goboleedka Gal-Mudug Satate muadane uways cali Saciid oo hanbalyo udiray dhamaan dhalinyarada reer galakcyo sida wanaagsan ee ay usamaysteen ururka ay ku midoobeen dhlinyaradu wax uuna ugu baaqay in ay wax la taaban karo ka qabtaan halaha wacyi galinta bulshada.

Masuuliyiintii ka hadshay munaasbada waxaa ka mid ahaan wasiirka lacagta ee dawlad goboleedka gal-Mudug State ahna maamulha iskuulka sare mudug MSS Mudane Saciid xasan Cosoble oo hadal dheer ka soo jeediayay munasbada waxa uuna aad utaageeray dhalinyarada samaysatay uruka mudug waxa kale oo uu muadane cosoble xariga ka jaray Dugsiga H/Dhexe ee janaral caydii oo ka mid noqon doona iskuulaadka ka jira magaalada glakcyo ee dawlad goboleedka Gal-Mudug.

Madaxa war faafinta ururka dhalinyarada Mudug Sacdiyo C/laahi Maxamuud oo ayana munaasabada ka hadashay waxay shaaca ka qaaday in ururkoodu dhawaan uu ku bixi doono wada laamiga ah si ay u wacyi galiyaan dhalinyarada ay isbaaradu utaal wada oo dhibaatada ku haya daka rakaabka ah iyo gaadiidaka isticmaala wada waxayna sacdiyo intaasi raacisay in loo baahn yahay dhamaan dhalinyardu xooga saran sidii wax looga qaban lahaa arimaha nabad galyo darida ah ee ka jirta gobolk mudug.

Dakii ka hadlay munaasabada waxaa ka mid ahaa agaasimaha idaacada codka mudug mudane cilmi kulan geedi oo ku booriyay dhalin yarda reer galakcyo ee uruka samaysatay in ay wax qabd dhab ah la yimaadaan ee aysan noqon magac ku yaal waa sida uu hadlka udhigaye isla markaasina ku dadaalaan sidii ay dhalin yarada ugu soo dari lahaayeen ku wa qoryaha sita oo ay hubka ka dhigaan qalinkana udhiibaan.

Waxaa munaasabada ka hadaly masuuliyiin ay ka mid kornel lagu magacaabo cabdulaahi ciro iyo sidoo kale Cismaan Macalin Saciid {xidig} oo ka mid ah oo asna ka mid ah dhalinyarada reer galacyo oo dareenkiisa ka muujiayay munaasabda

Ugu danbayntii waxay munaasabdaasi ku soo gaba gabowday jawi aad uwanaagsan.

Cabdalla Max’ed   Cabdille

Xafiiska Wararka Hobyoradio Galkacyo,

Gal-Mudug Satae of SOMalia,

Cabdalla45@hotmail.com.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com