DOWLAD GOBOLEEDKA GAL MUDUG OO DHAWAAN XARUNTEEDA GAALKACYO  KULA WAREEGTAY ILAA BOQOL  CIIDAN OO BOOLIS AH .{Daawo Sawirada}

Oct,21,2007 www.Hobyoradio.com

GAALKACYO  ARBACA 21/10/2007 (ICM) Etame 2 L/Gudaha

 Munaasab balaaran oo ay ka soo qayb galeen ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Gal mudug Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed.Siiyaha xilka Wasiirka koobaad golaha wasiirrada Gal mudug Maxamed Maxamuud Sahal.Guddoomiyaha Gobolka Hobyo ee Dowlad goboleedka Gal Mudug  Maxamed Axmed Caalin.

Saraakiisha Ciidanka  oo Fadhiya Xafiiska Madaxtooyada Galmudug State

Agaasimaha guud ee Idaacadda Codka Mudug Cilmi Kulan Geeddi.Raage Xaaji Dhoorre oo ah wakiilka Jaaliyadda Dibadda Gal Mudug  iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa ugu horrayntii hadal ka jeediyay G/le Dhexe Maxamed Nuur Cali Gadaar oo si rasmi ah loogu magacaabay taliaya booliska dawlad goboleedka gal-mudug Satate ayaa sheegay in Dowlad goboleedka Gal Mudug sababta loogu wareejiayay ciidankaan ay tahay  sida uu sheegay taliye ku xigeenku  in howlaha dowlad goboleedkaasi la dardar galiyo habacsanaantana  laga saaro nabad galyadana gacan buuxda lagu qabto.

    G/Le Dhexe Maxamed Nuur waxaa kaloo uu caddeeyay in labaatan iyo labo ka mid ah ciidankaasi ay ka howl gali doonaan saldhigga Degmada Hobyo Gobolka Hobyo ee Gal-Mudug.

 K/M/ Mudane CabdiSamad Nuur Guuleed iyo Col. Max'ed nuur oo heshiis Saxiixaya

Halka 78da kalana ay ka howl gali doonaan saldhigyada gal mudug ee Gaalkacyo ,isagoo intaasi ku daray in ay tilaabooyin xoogle ka qaadi doonaan sugidda amniga iyo la dagaalanka burcadnimada.

Kusimaha Madaxweynaha Mudane CabdiSamad iyo Col. Max'ed oo is gacan qaadaya

Col. Max'ed Gulaafe iyo Buuri Xassan Nuur

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Gal Mudug mudane Cabdisamad Nuur guuleed oo isuguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ku soo biiridda ay ciidankaasi ku soo biireen gal mudug ay waxweyn ku kordhin doonto howlaha kala duwan ee gal mudug,gaar ahaan dhinaca nabad galyada..

    Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed waxaa kaloo sheegay in tasiilaadkii ay ku howl gali lahaayeen ciidankaasi ay gal mudug u diyaarinayso,isagoo dhinaca kalana xusay in dhaqaalaha kali ah ee ay gal mudug ilaa iyo hadda  ku tiirsan tahay uu yahay kan ay u soo diraan qaar ka mid ah jaaliyadda dibadda balse uu rajayno in dhowaan ay bilaabi doonaan qaaditaanka adeegyada dakhli soo xaraynta gal mudug gaar ahaan degmooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed iyo Agaasimaha Idaacada Mudug Cilmi Kulan

    Munaasbadaan oo ku dhacday jawi farxadeed iyo is fahan heer sare ah ayaa dhinaca Booliska waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska Tabeelle Wayne G/le Cabdi Qooreey iyo G/le Maxamuud  Cilmi Gullaafe ciidamada lagu wareejiayay dhawaan madaxda dawlad goboleedka gal-mudug ayaa ku soo beegmaysa xili maal mahaa galakcyo laga dareemayay amaan dari baahsan oo ay gaysanayaan kooxo burcad ah oo dhibaato ku haya daka shacabka ah iyo goobaha ganacsiga ee magaalda galakcyo.

Cabdalla Maxa'd cabdille

xafiiska hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State SOMalia.

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com