Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Ciidamo Ka Tirsan Xarakadaa Al shabaab oo Maanta isku dhiibay Ciidamada Dowlada ee Dagmada dayniile

Oct,23,2011 www.Hobyoradio.com

Ciidamo Ka Tirsan Xarakadaa Al shabaab oo Maanta isku dhiibay Ciidamada Dowlada ee Dagmada dayniile

Ayadoo Afartii Maalmood Ee La soo Dhaafay Dagaalo xoogani ay Ka Socdeen Degmada dayniile Ee Magaalada Muqdisho Halkaasi oo ah Meelaha ay al shabaab sid aadka ugu xoogan yihiin ayadoona Dagaalkaasi Uu Noqday Mid Jilbaha la iskuula dhigtay Walina la is Hor fadhiyo.

Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa Markii Hore Dagaalka soo Qaaday oo gudaha Degmada dayniile Gaartay Balse Markii Dambe Dib loo soo riixay ayna degmada labo Ukala qeyb san Tahay.

Raggaan isa soo Dhiibay Ee Ka Tirsan xarakada al shabaab ayaa Saakay aroortii Hore Waxaa la shaaciyay in ayaga iyo qoryahooda ay uyimaadeen Ciidamada Dowlada KMG ah Soomaaliya ayagoona usheegay in ay ahaayeen ragii Ladagaalamayay Ciidamada Dowlada Kana Guutada Xarakada al shabaab ee Dagmaad dayniile balse Markaani ay Dowlada isku soo dhiibeen.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile Ee Dowlada KMG ah Soomaliya Daahir Xasan Xuseen ayaa sheegay in ilaa iyo Shan ruux oo al shabaab ah iyo Hubkooda ay Saakay oo Sabti ah isi soo dhiibeen ayna sheegeen in ay Ogaadeen Xaqa iyo Baadilka ayna Dhex Dabaalanayeen Dambiyo iyo Wax uusan alle Baneynin ayagoona Tilmaamay in ay Markaani ka soo Goosteen Xarakad al shabaab oo Markii Horeba ay Weysaanayeen Qaab ay uga Soo Baxaan.

Degmada Dayniile Ee Magaalada Muqdisho Waxa Dagaalkii afartii Maalmood Qaatay ku dhintay ilaa iyo ku dhawaad 50 Ruux ah oo Labada Dhinac ah ayadoona Maalinkii Daraad aheyd ay al shabaab soo ban dhigen Meedadka ilaa iyo afartan askari oo ay ku sheegeen in ay yihiin Ciidamada Burundi iyo Kuwa dowlada ayna ka soo Qabsadeen Dagaalkii Degmada Dayniile ka dhacay hayee shee waxaa Saraakiish dowlada ay xaqiijiyeen in Raga afar Tameeyada ay soo bandhigeen al shabaab ay Dhamaan Tood Yihiin Rag al shabaab ah oo Dagaalka Uga Geeriyootay balse ay ka dhigeen Ciidamada dowlada iyo kuwa Burundi Kadib Markii ay usoo xireen dharka tuutaha Ee askarta.

Xafiiska Radio Hobyo Ee Muqdisho.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|