Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Xaflad Sagootin ah oo Dr. Cumar Suuri Minnesota Loogu sameeyay

Oct,23,2011 www.Hobyoradio.com

Xaflad Sagootin ah oo Dr. Cumar Suuri Minnesota Loogu sameeyay

Maalinkii Sabtida oo ay bisha Oktoobar ahayd 22da waxaa magaalada Minneapolis ee golka Minnesota ee dalka Maraykanka ka dhacay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga Dr. Cumar Maxamuud Rooble (Suuri) oo todobaadyadii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Maraykanka.

Ugu horayntii waxaa munaasabada aayada quraan ah ka jeediyay C/aziz Sh. Max’ed Geedi ayadoo dadkii halkaasi kahadlay ay kamid ahaayeen Mursal Farax Jiirow oo ah xubnaha ugu fir fircoon jaaliyadda Galmudug ee Minnesota had iyo goorna u taagan samafalka agoonta iyo dugsiyada waxbarshada ee deegaanka Galmudug, Waxaa isna halkaasi ka hadlay C/aziz Xogolof oo si kooban oga waramay taariikhda nololeedkii Dr. Cumar Suuri.

Taariikh Nololeedkii Dr. Cumar Suuri

Waxa uu kudhashay magaladda Borame ee gobolka Awdal, Waxbarshadiisii dugsiga H/DH/Sare waxa uu ku qaatay magaladda Burco ee gobolka Togdheer, Dowladii Somalia ayaa waxa ay waxbarsho ugu dirtay dalka Ruushka waxa uuna ka galay jaamacada ODESA waxa uuna ka bartay ‘system engineering IT’, 1984 ilaa 1990 Waxa macalin luuqadaha kasoo noqday dugsiyada sare ee magaladda  Taiz,Yeman, 1991 Bur burkii kadib waxa uu tagay dalka Sweden halkaasoo uu sii watay waxbarshadiisa heer jaamacadeed waxa uuna galay jaamacadda SPONGE ee Stockholm, Sweden, kadib waxa uu usoo guuray dalka England  waxaa uuna ka galaya Jaamacadda OPEN Universaty, Birmingham, Uk, waxaa uuna ka bartay Hogaanka iyo Maamulka, Waxa uu isla waqtigii uu jaamacdda dhameeyay kanoqday macalin City College, Birmingham,UK, Waxa uu ahaa xubin aad u fir fircoon waxuuna ahaa madaxa  xiriiriyaha ha’adaha samalka Soomaliyeed ee magaladaaasi Birmingham, 2000 Cumar Suuri waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee dhagaxdhiga Iskuul meel kabaxsan magaladda Galkacyo. 2005 iyo 2006 waxa u kamid ahaa jaaliyadii Birmingham ee isku xilsaartay sidii gobolka loogu heli lahaa maamul iyo kala dambayn, 2008 waxa uu ahaa gudoomiyihii gurmadka abaaraha  ee Galmudug, Isla waqtigaasi waxa uu noqday wasiirkii Amniga ee Galmudug, 2010 ilaa 2011 waxa uu ahaa wasiirkii iskaashiga iyo xiriirka caalamka Galmudug.

Dr. Cumar Suuri oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay u jeediyay dadkii faraha badnaa ee munaasabadaa ku kulmay ayaa ugu horayntii uga mahadceliyay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyay mudadii gaabnayd ee uu Maraykanka booqashada ku joogay. Mudane Cumar waxaa kale oo uu si faahfaahsan uga warbixiyay dhibaatooyinka haysta dadka reer Galmudug gaar ahaan raadkii ay reebeen colaadihii iyo abaarihii dheeraaday ee uu deegaanku soo maray.

Waxaa kale oo uu Mudane Cumar Suuri khudbadiisa ku soo qaaday kaalinta ay jaaliyadaha dibadu ka qaateen horumarinta dhismihii Galmudug iyo hirgalinta mashaariicda hormarineed sida dugsiyada waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka asagoo carabka ku adkeeyay in aysan mashaariicdaasi dabooli karin baahida weyn ee deegaanka ka jirta.

Mudane Omarsuuri waxuu u mahad celiyay jaaliyada Galmudug ee magaalada Minneapolis. Waxuu warbixin ka siiyay xaalada amni iyo siyaasad ee Somaliya iyo caqabadaha ka jira dalka. Waxuu u soo jeediyay in Jaaliyada iskaashadaan mar kastana iska dhowraan qilaafka iyo waxyaabaha dhalinaya, kana qayb qaataan horumark dalka sida waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta, Waxuu si gaar ah uuga waramay horumarka Galmudug oo gaartay dhinaca tacliinta iyo caafimaadka. Sidoo kale waxuu aad uugu nuuxnuuxsaday dhibaatada burcad badeedka oo caalamku hal dhinac ka eego. Dhinacaas oo ah dhalinyarta afduubata maraakiibta oo ay iska indha tiraan markaabiibta sida sharcidarada uu kaluumaysta xeebaha Soomaaliya ama dhibaateeya kaluumaysatada Soomaalida ama haamaha suntan keena xeebaha Soomaalida.  Ugu dambayntii waxuu ugu baaqay midnimo si loo horumariyo Galmudug islamarkaana loo soo celiyo qarankii Soomaaliya.

Dr. Cumar Maxamuud Rooble ( Cumar Suuri )

Xiriiriyaha Shirka C/risaq Sh. Ahmed Xasan-Yare

Mursal Farax Jiirow


 

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|