Ceel biyood oo laga qodayay   Degmadda Gal-Barwaaqo  oo dumay  kadib markii la dhamaystiri lahaa, Fadlan ka qayb qaado dhismaha Ceelka( Daawo Sawirada Ceelka)

Oct,23,2007 www.Hobyoradio.com

Degmada Gal-Barwaaqo oo qiyaastii u jirta 80km xaga bari magaalada Gaalkacyo ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug State  ayaa laga waday mashruuc loogu qodayo Ceel Biyood oo ku kacay lacag dhan $50.000 oo Dollar,  Ceelka ayaa dumay kadib markii la dhameeyay.iyadoo ay halkaasi ku qasaareen dhamaan qalabkii galay ceelka sida Tuubooyinka, Shaqadii iyo Shidaalkii.

Mashruuc balaaran oo  ay bixiyeen  qarashkiisa Hay'adaha  Samafalka ayaa gabi ahaanba qasaaray kadib markuu dumay  Ceelkii Biyaha  ee Gal-Barwaaqo,iyadoo wali ay taagantahay baahidii loo qabay in laga xirgaliyo Ceel   Biyood Deegaanka.

Kadib Markuu qasaaray mashruucii hore ayaa hada waxaa loo baahan yahay in la helo lacagtii  shaqaalaha, shidaalka  Riiga iyo Tuubooyinka Ceelka,  lacagtaas oo  dhan $20.000 oo Dollar.

Waxgaradka iyo Dadka ku dhaqan degmada Gal-Barwaaqo ayaa waxay ka codsanayaan Jaaliyada Dibadada  in gacan ka siiyaan qarashka ku baxaya Shaqaalaha, Shidaalka  iyo Tuubooyinka.

Wixii Mucaawino ah waxaad ku hagaajisaan Masuuliyiinta kala ah Cali Daahir iyo Cabdi  Salaad  oo jooga Gaalkacyo Tel: 2525 754848

kala xiriir  Minneapolis  C/aziz Sheekh Cali Qaboobe Tel: 612 481 3022              Email gaalkayo1@yahoo.com

Shidaal La'aan

 Tuubooyin La'aan

Riiga oo diyaar ah

C/aziz Sheelh Cali Qaboobe

Gal- Barwaaqo, Galmudug State of Somalia

Email gaalkayo1@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com