Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Masuuliyiin kahadley warar sheegaaya in ay qaar kamid ah Dhawacyadii lakeeney Turkiga ay bilaabeen in ay usii gudbaan Dalka  Gariiga

Oct,24,2011 www.Hobyoradio.com

Masuuliyiin kahadley warar sheegaaya in ay qaar kamid ah Dhawacyadii lakeeney Turkiga ay bilaabeen in ay usii gudbaan Dalka  Gariiga

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Turkiga ay  deeq  waxbarasho ufidisay Boqolaal Aday Soomaali ah waxaa  soo  baxayay  hadalheynta ku saabsan sida ardadaasi ay uga faaídeysan karaan deeqaha Waxbarasho iyadoo latuhunsanaa in qaarbadan oo ardada kamid ah ay beeldareyn doonaan fursadahaasi waxbarasho islamarkaana ay ay soo Tahriibayaan.

Dhowaan waxaa soo baxaayey in qaar kamid ah dadkii dhawacyadooda loo keeney dalka dalka Turkiga lagu arkay  iyo qaar kamid ah ardadii deeqaha waxbarasho ka helay dalka Turkiga in ay bilaabeen iney kasoo gudbaan taasi oo niyad jab  ku noqonaysa  dadaalka dowlada turkiga ay ugujirto in dhankasta ay kasaacido shacabka Soomaaliyeed  qaasatan dhanka waxbarashada.

Ilyas Cali Xasan oo ah Xubin katirsan Dowlada Hoose Caasimada dalka Gariiga Athens,  horeyna u ahaa Guddomihii Jaaliyada Soomaalidadalka Gariiga ayaa xaqiijiyay inay jiraan warar sheegaaya in dhalinyaro ka tirsanaa ardadii deeqaha waxbarasho ka helay dalka Turkiga inay soo gaareen dalka Gariiga kuwaasi oo doonaya inay ugasii gudbaan wadamada kale ee Yurub.

Ilyaas Cali xasan ayaa arintaan kumicneeyay inay tahay  mid sharaf dhac u ah magaca Shacabka Soomaalieed iyo kan dowladuba maadaama lafilayay in ay soobaxaan dhalinyaro Mustaqbalka aqoon iyo hormumar kusookordhinlaheyd dalka.

Mar uu lahadlayay saxaafada ayaa Ilyaas waxa  uu kaga hadlay afar qodob kuwaasi oo ay kamid ahaayeen dhibaatada adag ee shacabkaSoomaaliyeed ku heysta wadamada ay Tahriibta kusoo maraan sida Gaariiga & Serbiya, Italy, iyo Malta .

1-dalka Gariiga waxaa kusugan Soomaali farabadan oo marxalado adag ku heysta halkaasi hadii ay ahaanlaheyd nolosha oo ciriiri ah, iyo weliba xiligan oo sii adkaatay ka bixitaanka dalkaasi iyadoo Soomaalibadan ay halkaasiku go’donsanyihin mana jirto cid gargaar ama bini’’aadanimo wax ugu qabata iyadoo ay usii dheertahay xabsiyada dalkaasi oo Soomaalibadan ay ka buuxaan,sidaasi darteed uu kula talinaayo in Soomaalida ay joojiyaan usoo Tahriibida dalka Gariiga.

2- dalka Seribia waxaa kusugan Soomaali Kor udhaafaysa 500 oo ruux kuwaasi oo markii ay kabixiwaayeen dalka Gariga maciinbaday inay halkaasi qabtaan waxaana haatan Soomaalidaasi ku heysata dalka Serbiya mid kasii adag Noloshii ay uga carareen dalka Gariiga, dalka Serbiya waxaa ku yaala kaamam Qaxooti  aansidaa usii badneyn  oo ay maamusho Hayada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobay waxaana haatan lasoo sheegayaa in kamamkaasi ay buuxsameen oo soomaaliban ay laýihiin meel ay seexdaan ama ka cunteeyaan, halkii habeen dadka kaamamka jiifka kaheysan waxay ku seexdaan ( 3 Euro)  oo u dhiganta lacag ku dhow ( 5 $) mareykanka ah iyadoo aan cunto lasocon  taasi oo qofka tahriibka aanan aboodin iyadoo ay jiraan Roobab iyo dabeyloo baraf wata ooxiligankabilowday dalkaasi Serbiya.

3-  waxa uu baaq u jeediyay Ardada Soomaaliyeed ee deeqaha Waxbarasho ka helay dalka Turkiga inaykaa faa,ideystaan fursadaha qaaliga ah ee ay heleen aanay ku qaldamin fikrada qaldan ee laga dhaadhiciyay oo ah inay soo Tahriibaan maadaama Soomaali badan oo iyaga kahor lasoo qalday ay maanta ku dhibaataysanyihiin dalal  badan oo katirsan Konfurta Yurub kuwaasi oo hadafkoodi ahaa inay soo gaaraan wadamada horumaray ee Yurub balse lakulmay wixii ay filayeen wax kaduwan taasoo ah xaqiiqda meesha taala.

4- wuu wax laga xumaado ku tilmaamay dhibataada dalka Somaaliya kataagan khaasatan Qaraxyadii ugu dambeeyay ee lagu laayay dadka rayidka ah iyo Ardada Soomaaliyeed isagoo baaqyo ujeedayay kooxaha dhibaatada wada inay u aabayeelaan maatada aanwaxba galabsan iyo Mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyntii  isagoo ku amaaney dedaalka ay durba bilaawdey Safarada Somalida dalkaasi kuleedahay oo  buraarujineysa dadkii loo soo qaadey dalka Turkiga iyo sidii ardada uga faaideysan lahaayeen iyadoo dhanka kalena uu dowladda KMG ah iyo Safarada Somaliya ee Turkiga ugu baaqay inay sii laba laabaan wax ka qabashada dhibaatada dhalinyada Soomaalida ah ee naftooda ku soo haliga Tahriibta, si aanay looga caajisin wax u qabadka dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay jiraan Arday ka go;an inay kasalgaaraan hadafkooda waxbarasho balse kooxo ardadaasi ah ay xumeynkaraan xiriirka Labada dowladood Turki iyo Somalia.

Xafiiska Radio Hobyo Ee Muqdisho.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|