Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Dr. Cumar Suuri oo xalay ka dhoofay gagida caalamiga ee Minneapolis/St Paul ee gobolka Minnesota.

Oct,24,2011 www.Hobyoradio.com

Dr. Cumar Suuri ayaa habeenkii xalay ka dhoofay Airporka Minneapolis/St Paul ee gobolka Minnesota.ayadoo ay sagootin u sameeyeen jaaliyadda Galmudug ee gobolka Minnesota.

Habeenimadii xalay ee taariikhdu ahayd Oktoobar 23da ayaa waxaa gagida caalamiga ah ee Minneapolis/ St. Paul ee golka Minnesota ee dalka Maraykanka ka dhoofay Dr. Cumar Maxamuud Rooble (Suuri) asagoo kusii jeeda magaladda London ee dalka England.

Jaaliyadda Galmudug ee gobolka Minnesota ayaa xaflad sagootin iyo soo dhaweyn ah u samaysay Dr. Cumar Suuri, Xafladaas oo ka dhacday hoolka shirarka Safari, Dr. Cumar ayaa in mudo ah si iskaa wax u qabso ah ugu adeegayay bulshada Galmudug asagoo u huran naftisii iyo waqtigiisii, Waxa uuna ahaa guddoomiyihii gudiga gurmad abaaraha 2008, Wasiirkii Amniga 2008/2009, Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga 2010/2011, Dr. Cumar Maxamuud Rooble (Suuri) ayaa todobaadkii lasoo dhaafay booqasho ku joogay dalka Maraykanka.

Taariikh Nololeedkii Dr. Cumar Suuri

Waxa uu kudhashay magaladda Borame ee gobolka Awdal, Waxbarshadiisii dugsiga H/DH/Sare waxa uu ku qaatay magaladda Burco ee gobolka Togdheer, Dowladii Somalia ayaa waxa ay waxbarsho ugu dirtay dalka Ruushka waxa uuna ka galay jaamacada ODESA waxa uuna ka bartay ‘system engineering IT’, 1984 ilaa 1990 Waxa macalin luuqadaha ka dhiga ka noqday dugsiyada sare ee magaladda Taiz,Yeman, 1991 Bur burkii kadib waxa uu tagay dalka Sweden halkaasoo uu sii watay waxbarshadiisii heer jaamacadeed waxa uuna galay jaamacadda SPONGE ee Stockholm, Sweden, kadib waxa uu usoo guuray dalka England  waxaa uuna ka galaya Jaamacadda OPEN Universaty, Birmingham, Uk, waxaa uuna ka bartay Hogaanka iyo Maamulka, Markii uu dhameeyay jaamacadda waxa uu isla waqtigaas macalin ka noqday City College Birmingham,UK, Waxa uu ahaa xubin aad u fir fircoon jaaliyadda Somaliyeed ee Birmingham,waxuuna ahaa madaxa  xiriiriyaha ha’adaha samalka Soomaliyeed ee magaladaaasi Birmingham, 2000 Cumar Suuri waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee dhagaxdhiga Iskuul meel kabaxsan magaladda Galkacyo. 2005 iyo 2006 waxa u kamid ahaa jaaliyadii Birmingham ee isku xilsaartay sidii gobolka loogu heli lahaa maamul iyo kala dambayn, 2008 waxa uu ahaa gudoomiyihii gurmadka abaaraha  ee Galmudug, Isla waqtigaasi waxa uu noqday wasiirkii Amniga ee Galmudug, 2010 ilaa 2011 waxa uu ahaa wasiirkii iskaashiga iyo xiriirka caalamka Galmudug.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|