|
Sheekh Shariif Oo Ka Soo Horjeestay Soo Galitaan Ciidamada Kenya Ee Soomaaliya
Oct,24,2011
www.Hobyoradio.com


Sheekh Shariif Oo Ka Soo Horjeestay Soo Galitaan Ciidamada Kenya Ee Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya sheekh Shariif sheekh axmed ayaa Maanta Ka Hadlay Soo Galitaanka ciidamada kenya Ee Dhulka soomaliya oo baryihii Udambeysay Hadal heynteeda ay socotay
Kadib Booqasho uu Maanta Ku Tagay Madaxweynaha Goobihii dhawaan al shabaab Laga Saaray Ee Dagmaad Dayniile ee Magaalada Muqdisho Walina ay Meelo uga Sugan yihiin al shaabaab ayaa aad ugu Mahad Celiyay Ciidamada Dowlaad guulihii ay ka Gareen Dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho
Inta uu ku guda jiray Booqashada Dagmada Dayniile ayuu soo hadal Qaaday soo Galitaanka Ciidamada Kenya Ee Xuduudka soomaaliya iyo Gobolo kamid ah dalka soomaaliya waxaana uu sheegay in arintaani ay Buuq Badan dhalisay dadkana ay Siyaabo Kala duwan ufasirteen balse ay Dowlada ayadu Go aan Leedahay
Waxaa uu Yiri Madaxweynaha Shariif Soo Galitaanka ciidamada Kenya ee dalka soomaaliya Xad Gudub ayay Ku Tahay mana aysan Nala soo socodo siin in ya Soomaaliya soo galayan shacabka Soomaaliyeedna waxaa uusan agoleyn Dowlada ogolaan meyso asagoona madaxweynaha mas uuliyiinta Dowlada kenya Ku eedeeyay falkaan ay Gudaha soomaaliya usoo galeen xadgudubna ay Ku Tahay Kenya
Xafiiska Radio Hobyo Ee Muqdisho.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|