|
Human Concern International oo maantay Daawo gaarsiisay Galkayo
Specialist Hospital (GSH).
Oct,25,2011
www.Hobyoradio.com


Human Concern International oo maantay Daawo gaarsiisay Galkayo
Specialist Hospital (GSH).











Human Concern International ayaa maantay waxa ay daawo gaarsiisay
ispitaalka cusub ee Galkayo Specialist Hospital (GSH), waxaana
Maamulka Ispitaalka Daawada Gudoonsiiyay Himilo International Civil
Development Agency.
Gudoomiyaha Himilo Canada Maxamed Ali Adan oo daawadaan ku wareejiyay
Maamulka ispitaalka ayaa waxa uu sheegay Daawadaan Qiimaheedu in uu
gaarayo in ka badan 7000$.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Galkayo Specialist Hospital (GSH) Dr.
C/risaaq Axmed Dalmar oo qadka taleefanka kula soo xiriiray saxaafadda
ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Human Concern iyo Himilo Canada.
Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa ka warbixiyay hawlaha uu qabandoono
ispitaalka waxa uuna sheegay in uu ka shaqeyndoono Dalyeelka
Caafimaadka,Ardeyda Jaamacadda oo tababar ku qaadandoonto ispitaalka,
Iyo Cilmi baaris lagu sameyndoono cudurada ka jira Deegaanada
Galmudug.
Dr. Maxamed Axmed Wehliye oo ah Agaasimaha Galkayo Specialist Hospital
(GSH) ayaa waxa uu sheegay Deeqdaan Daawada ah in ay u gudbindoonaan
intii u baahan daryeel caafimaad ee ku sugan xerooyinka qaxootiga ee
Magaalada Gaalkacyo.
Goobta daawada lagu gudoonsiinaayay Galkayo Specialist (GSH) waxaa
goob joog ka ahaa:
1. Himilo Canada Maxamed Ali Adan oo ah Gudoomiyaha Himilo Canada.
2. Dr. Maxamed Axmed Wehliye oo ah Agaasimaha Galkayo Specialist (GSH).
3. C/Laahi Shire Cali Cageey oo qaabilsan waxbarashada.
4. Pro. C/laahi Xasan Cilmi (Jeemis).
5. iyo Qaar ka mid ah Ardeyda Jaamacadda Galkayo University (GU).
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or Abuuakram1@gmail.com
Tell: +25290-753825
Galmudug State-Galkacio-Somalia
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|