|
Barlamanka Soomaaliya Oo Soo Dhaweeyay Go aankii Madaxweyne Shariif Kaga soo Horjeestay in Ciidamada Kenya
Oct,25,2011
www.Hobyoradio.com


Barlamanka Soomaaliya Oo Soo Dhaweeyay Go aankii Madaxweyne Shariif Kaga soo Horjeestay in Ciidamada Kenya ay iska soo Galan Gudaha Soomaaliya.
Qaar kamid ah xildhibaanada Barlamanka soomaaliyab aya soo dhaweeyay Hadalkii Madaxweyne Shariif Kaga soo Horjeestay In Ciidamada Kenya ay iska soo Galaan dhulka soomaaliya ee Xuduuda la leh Dalka kenya.
Xildhibaanadaan ayaa ku Taageeray madaxweyne Sheekh shariif in Ciidamada kenya ay si Qaldan Ku soo Galeen Xuduuda Labada Dal ay wadagaan ayadoona ay sheegen Xildhibaanadaani in ay sharci daro Ku tahay mas uuliyiinta Dalkaasi Sida Qaldan ay soomaaliya ku soo Galeen.
Xildhibaanadii Ka hadashay soona dhaweeyay hadalka madaxeyne sheekh shariif waxaa kamid ah xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in shariif uu Go aan Nuucaasi oo Kala Ka qaato in soomaaliya si qaldan lagu soo galo asagoona sheegay in ay si dhaqso ah uga baxaan goobaah ay soo Galeen ciidamada Kenya.
Mowliid Macaane Maxaamud ayaa sheegay in aysan Kenya Waydiisanin in ay Soomaaliya usoo direyso ciidamo Kenyaan ah oo Xuduuda dalkaasi Soo Gali doono Balse uu Macaane sheegay in Markii Hore Loogaga Baahnaa in ay Dowlada Soomaaliya ay Weydiistan in ay soomaaliya Soo Galayaan.
Xafiiska Radio Hobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|