|
Shaqaale katirsan ha’ada DDG ee mina baarista oo lagu afduubay Galmudug.
Oct,25,2011
www.Hobyoradio.com


Shaqaale katirsan ha’ada DDG ee mina baarista oo lagu afduubay Galmudug.
Wararka caawa naga soo gaaraya magalada Galkacyo ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay ka afduubeen laba ajnabi ah oo katirsanaa ha’ada mina barista DDG oo xarun ku lahaa magalada Galkacyo.
Afhayeenka maamulka Galmudug Ahmed Max’ed Baasto oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in lagu dabajoogo dableydii afduubaytay shaqaalaha ajnabigkaa asagoo intaasi raaciyay in ujeedo laga leeyahay afduubka loo gaystay shaqaalahan, Afhayeen Baasto ayaa sheegay inay ciidamada Galmudug heegan la galiyay ayna ku baxeen wadooyinka aada laamiga iyo bariga, lana soo qabandoona cidii falkaasi ka dambaysay islamarkaana ay diyaar u yihiin shacabka Galmudug inay ka hortagaan falalka noocaan oo kale ah.
Labadan Ruux ee la afduubtay ayaa kala ah Nin iyo Haweenay kuwaasi oo u kala dhashay wadamada Mareykanka iyo Denmark, waxaana magacyadooda lagu sheegay Paul iyo Jessica oo maanta kasoo degay magaladda Galkacyo kadibna waxa ay bixiyeen siminaar ku saabsan sidii looga hortagi lahaa waxyaalaha qarxa.
Ilaa iyo hada lama oga lamana yaqaan cida sida rasmiga ah oga dambaysa afduuban loo gaystay shaqaalahan cadaanka ah iyo ujeedada ka dambaysa waxaysa wararka qaar sheegaya inay ka dambeeyaan falkan koox doonaysa inay carqaladeeyaan howlaha maamulka Galmudug .
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|