![]() |
||
|
|
||
|
Abaaro xoogan oo ka jira Gal-mudug State iyo Dadka Reer Miyiga ah oo U hayaamaya meelo roob yari ka da'ay.{ Daawo Sawirada Abaaraha}
Oct,28,2007 www.Hobyoradio.com
Abaaro xoogan ayaa ka jira gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug State, abaarahan xoogan ayaa waxay saameeyeen Degmooyinka Bandiiradleey, Galinsoor, Gal-Barwaaqo, Cel-Guula iyo Tuulooyinka hoos yimaada.
Gobolka Mudug ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro xoogan oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyadaba ayadoona aysan jirin cid ilaa iyo hada wax gurmad iyo samafal ah usamaysay dadkaasi.
goobaha ay abaaruhu ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah deegaanada dhinaca koonfur iyo bari kaga began magaalada Gaalkacyo sida Dagaari,Sedex-higlo,Bandiiradley,Galinsoor,Docol,Wargalo,Gal-barwaaqo,Celguula iyo kuwo kale oo dhamaantood ay ka jiraan abaaro saamayn ku yeeshay dadka, xoola dhaqatada ah ee halkaasi degan mar dhawaan hawlo shqo hobyoradio ku tagtay qaar ka tirsan deegaanadaas iyo waliba dhulka baadiyaha ah ee ku teedsan ayaa waxaa halkaasi laga dareemayaa dhibaatooyin xoogan oo haysata daka reer miyiga ah deeganka sdex-higlo oo ka mid ah meelaha aan hawlaha shaqo ku tagnay ayaa durba waxaad dareemaysaa kulayl iyo abaaro ka jira halkaasi waxaan socod lug ah u aadnay meel 20k.m. ujirta sedex-higlo oo lagu magacaabo sadexda laamood anagoo markaasi ay nala socdeen dad farabadan oo gurmad u ah reeraha ehelkooda ah oo baadiyaha ku dhibaataysan si ay gawaari ugu soo raraan xoolaha uharasan oo la geeyo meelo roob yari ka da'ay.
waxaan sadex-higlo ka baxnay xili habeen ah abaarihii 7:00 fiidnimo anagoo gaarigi aan wadanay oo ahaa nooca loo yaqaan waaraadka uga tagnay meel aan sidaas uga fogayn sedex higlo ayaa intii aan ku sii jirnay wadada waxan la kulanay xoolo ulaāday abaaro oo baqtigoodu yaalo meel kasta markii aad in yar socotid ayaa waxaad dareemaysaa urka xoolaha baqtiga ah maadaama ay xili habeen ah ahayd sida aad ka daremayso sawirada aan xiliga habeenka ah soo qaadnay oo xoolaha abaarha uladay ah iyo kuwa aan soo lugasiinay oo saacado badan nagu qaadatay maadama ay inta badna xooluhu caato iyo baahi la socon waayeen waxaan ugu danbaytii gaarsiinay xili danbe goobtii gaarigu yaalay oo aan ku soo rarnay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa abaaraha ka jira deegaandaas ay daka qaar uga soo hayaa meen meelo roob aan isdaasi ubadnayn ka da'ay waase cidii awooada oo gaari heli karta ee ma han cid walba waxaana meelihii roobka yari ka da'ay oo dalga yari ka baxay ku dagayā ayax geedi ah oo cirib tiraya meeshii uu cagaar yar ku arko.
ma jiraan ilaa iyo hada wax hay'adaha samafal ah oo gar gar gaar ufiadiyay dadka ku dhibaataysan deegaanda mudug waxayna codsadeen daka reer miyiga ah in lala soo gaaro gar gaar bani aadmnimo aygoona hay'adaha samafalka codsigaas udiray iyo ciidii kale ee ka damqanaysa dhibatda ka jirta goobahaasi abaaruhu saameeyeeen. Cabdalla Max'ed Cabdille Xafiiska Hobyoradio Galkacyo, Gal-Mudug State of SOMalia, Cabdalla45@hotmail.com.. Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||