Ururada Daryeel iyo SOSDA oo ku guulaysatay furitanka qaybta OPD ee isbitaalka Degmada cel-guula iyo Hay'ada MSF Holan oo ka qayb gashay xafladii furitaanka isbitaalka  {Daawo Sawirada furitanka Cel-Guula OPD hospital}

Oct,29,2007 www.Hobyoradio.com

Xaflad aad ubalaaran oo lagu maa muusayay furitanka qaybta OPD ee isbitaalka degmada Celguula ayaa lagu qabtay xarunta isbitalka ee  Celguula, aydoona ay goob joog ahaayeen hawl wadeenada hay'ada MSF Holand , ugu horayntii Gudoomiyaha ururka SOSDA Maxamed Xaaji Ereg oo xaflada furay ayaa u mahad Celiyay agaasimaha ururka Sosda shuuke Xogolof oo sida gudoomiyuhu cadeeyay sabab u ahaa furitaanka qaybta OPD ee isbitaalka Cel-Guula wuxuu kale oo umahad Celiyaya madaxda MSF Holand ee ay hugaaminayso madaxa Caafimaadka Keerin loshin asagoo uga mahad celiyay hawlaha Caafimaadka ee qaybta TB Celguula ay MSF ka wado.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasada gudoomiyaha Degmada Celguula Cabdi Max'ed Guure oo tilmaamay baahida wayn ee looqabay furitaanka isbitaalka guud ee celguula asagoo umahad celiyay Daryeel iyo SOSDA oo iska kaashaday furitaanka isbitaalka MSF ayuu gudoomiye cabdi max'ed guure ka codsaday in ay ka qayb qaataan socosiinta isbitaalka Ceguula gudoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay  oo xusay in amaal aan la soo koobi Karin ay uhayaan maadaama aan ognahay in keerin warbixintii ayka qortay Celguula ay sabab u ahayd Caawimaada MSF-Holand ay ku bixiso Qaybta TB.

Gudoomiyaha kadib waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha garsoorka Ce-lguula Macalin C/laahi Shiikh Yuusuf, oo umahad celiyay Daryeel, SOSDA iyo MSF farxad aan la koobi karina ku tilmaamay furitaanka isbitaalka Celguula waxuuna amaan usoo jeediyay Dr. Cali Cabdi Faarax oo ah madaxa caafimadka isbitalka Cel-guula oo uu ku tilmaamay nin aqoon iyo dulqaad kulan saday bilihii uu Cel-guula joogayna magaaladu ku diirsatay wax qabadkiisa, asagoo tilmaamay in uu wax wayn ka qabtay hawlaha caafimaadka asgoon haysan wax tasiilaada ama daawo ah, nasiib waxaa ah buu yiri in Daryeel iyo SOSDA ay nagu caawiyeen qalabkii iyo daawo uu dhaqtarku wax ku Dabiibo.

Qudbadaha furitaanka qaybta OPD oo ahaa kuwo isi sha baha oo bogaadin iyo mahadcelin ururadii ka soo shaqeeyay furitaanka isbitaalka ubadnaa ayaa waxaa ka mid ah xubnihii halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Haweenka Caasho Barre iyo Gudoomiyaha Dhalin Yarada C/laahi Kulan Gooni.

Intaa kadib waxaa hadalkii lagu soo wareejiyay agaasimaha ururka SOSDA C/naasir C/laahi Shuuke oo sharaxaad dheer ka bixiyay hawlaha ay qabteen iyo sababaha ku qasbay in ay furaan isbitaalka asagoo tilmaamay in ururku uu qalabeeyay isbitaalka maantan ay diyaar tahay sadex qaybood kuwaas oo kala ah Shaybaar, Emergence iyo daawaynta bukaanada, waxa kale uu tilmaamay in uu diyaari yay qol loogu tala galay shirarka isbitaalka iyo wax barista shaqaalaha.

Agaasimuhu waxuu tilmaamay in ay ku qasabtay furitaanka isbitaalka baahida balaaran ee ka jirta Celguula iyo deegaanada ku xeeran

Shuuke xogolof agaasimaha ururka SOSDA ayaa ugu danbayntii sheegay in aysan marnaba ka caajisi doonian hawlaha samafalka ee ay uhayaan bulshada aygagoo la kaashanaya uruarda Caalamka Sida Daryeel iyo MSF oo kale, Agaasimuhu waxuu cadeeyay in SOSDA ay ku casuntay inuu Xariga ka jaro isbitaalka Celguula Dhaqtarka Gobolka Dr. Amiin oo talooyin badan naga siiya hawlaha Caafimaadka ee SOSDA wado.

Waxuu kaloo agaasime shuuke sheegay in uu dhaqtarku qaliin lagu badbaadinayo bukaan aad uliita uu yeeshay taleefona noogu soo sheegay in qaliin amarjansi uu u baaqday, intaa kadib waxuu ku casumay in ay xariga isbitaalka ka jarto Kerin oo ah madaxa Caafimaadka Afrika MSF-H.

Waxaa ugu danbayntii xaflada ka hadashay kerin oo umahad celisay SOSDA,Daryeel iyo daka reer celguula oo ay sheegtay in ay yihiin dad diyaar u ah in ay wax qabsadaan isla markaasina ay Celguula tahay magaalo ku talaabsatay hor'umar weyn oo dhinaca caafimaadka ah ayadoona xariga ka jartay qaybta OPD ee isbitaalka degmada cel-guula

Xaflada oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay goob joogna ay ka ahaayeen hawl wadeenada hay'ada MSF ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan waxaana furitanka qaybata OPD ee isbitaalka Cel-guula aad usoo dhaweeyay dhamaan daka ku dhaqan deegaanka iyo deegaanada ku teedsan oo uga faa idaysan doona baahidooda caafimaad ee ka jirta deegaanadaas.

Mahad Gaara Wariyeheena  Cabdalle Max'ed Cabdille oo Soo qaaday Sawirada quruxda badan iyo Warbixinta. By: C/aziz Xogolof

Cabdalla Max'ed Cabdille

Xafiiska Hobyoradio Galkacyo,

Gal-Mudug Satae of SOMalia,

Cabdalla45@hotmail.com..

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com