|
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee Dowlada Soomaaliya oo Digniin ujeediyay shaqsigii Wax ka sheega Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada.
Oct,3,2011
www.Hobyoradio.com



Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee Dowlada Soomaaliya oo Digniin ujeediyay shaqsigii Wax ka sheega Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada KMG ah Soomaaliya Gaashanle Sare xasan maxamed Xuseen Muungaab oo bahda saxaafada Magaalada Muqdisho kula hadlayay ayaa sheegay in aysan Marnaba maxkamada ogoleyn in aflaagado Qaawan Loo geysto ciidamada Qalabka sida Ee Dowlada Soomaaliya.
Gashaanle sare Muungaab ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay Difaacayaan dalka Iyo Dadka soomaaliyeed ayna Naftoda uhureen in ay Dalka ilaaliyaan Dadka dhibaatada Wadana ay ka soo Horjestaan balse uu jiro aflagaado iyo Waxyaabo mamnuuc ah oo Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Loogugu Yeerayo.
Gudoomiyaha a sheegay in ay Talaabo adag Ka Qaadayaan Cidii Wax ka sheegta Ciidamaeda Xooga Dalka soomaaliya ayadoona uu gaashan laha shaaciyay in ay Xabsiga galin doonaan Sharcigana lagu Qaadi doono Qofkii arimahaasi lagu arkaa.
Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada KMG ah Soomaaliya Gaashanle Sare xasan maxamed Xuseen Muungaab ayaa dadka ka Dalbaday in aanan Erayada nuucaasi ah aanan la dhihin Taasi oo ay dadku a ugu Yeraan Ciidamada Calalyo uusta iyo Erayo ka sii daran.
Xafiiska radiohobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|