Roobab Xoogan oo ka da’ay Magaalda Gaalakcyo iyo Deegaanda ku Teedsan ee dawlad goboleedka Gal-Mudug State {Daawo Sawirada}

Oct,3,2007 www.Hobyoradio.com


Magaalda Galakcyo ee xarun goboleedka Gal-Mudug State iyo degmooyinka ku teedsan ayaa waxaa aroornimadii hore ee saakay ka bilawday roobab xoogan oo ah kuwa mahiigaan ah.

Roobka oo socday mudo saacado ah ayaa biyo dhigay goobo farabadan sida wadooyinka magaalda Gaalakcyo iyo banaanka magaaladaba.

Sidoo kale wararka aan ka helayno degmooyinka Ceel-aqwaan, Dagaari, Karin Dagaari, Sedex-higlo, Bandiiradley, Galin-soor- Laasa-Cadale, Docol iyo kuwo kale ayaa la sheegayaa in roobabku ay ka da’een guud ahaan deegaanadaas.

Wararka laga helayo deegaandas waxay hobyoradio u xaqiijiyeen in wali uu roobku socdo ayna biyo dhigeen meelaha waraha iyo baliyada baadiyaha ah
Lama soo sheegin qasaare uu Roobkaas xoogani gaysteen walow uu roobku yahay mid bilow ah ayna dhici karto in uu sii xoogaysto maalmaha soo socda.


Roobka ayaa ku soo aday xili abaaro xoogani ay ka jiraan guud ahaan goboladda dhexe ee dalka soomaaliya waxaana ay roobkan si weyn faaido ugu yahay dadka iyo duunyada ku dhaqan goobihii ay abaaruhu ka jireen.

 

Cabdalla Max’d Cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo,gal-Mudug State Of SOMalia

Cabdalla45@hotmail.com
 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com