Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug State Aways Cali Saciid Oo Shaaca ka qaaday in la Dhameeyey Shaqaaqo iyo Khilaaf Udhexeysay Beelo ku Abtirsada Gal-Mudug State.

Oct,30,2007 www.Hobyoradio.com

Ayadoo mudooyinkaan shaqaaqoyin xoogan iyo amaan dari baahsani ay ka jirtay qaybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarun goboleedka Gal-Mudug State isla markaasina inta badan beelo ku wada abtirsada Gal-mudug uu khilaaf xoogani ka dhex jiray kaasoo ku saabsan hanti lakala dhacay oo iskugu jirta lacago iyo gaadiidba ayaa waxaa arintasi xalinteeda u istaagay odayaasha, wax garadka, culimo’udiinka, Dalinyarada, iyo masuuliyiinta maamulka Gal-mudug State. waxaana kulamo aan loo kala kicin ay baryahaan ka socdeen xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State ee madaxtooyada magaalada Gaalkacyo.

Wadahadal iyo gorfayn dheer kadib ayaa la soo gaba gabeeyay kulamadaas waxaana qodobadii ka soo baxay saxaafada uga waramay gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Gal-Mudug State Mudane Aweys cali Saciid oo sheegay in wixii khilaaf ahaa oo dhan la soo af jaray isla markaasina beelihii walaalaha ahaa ee hantida kala qaatay mid kasta wixii ka maqnaa la siiyay oo culimada iyo gudiga garsoorka maxkamada maamulka Gal-mudug ay arintaasi dhameeyeen halkaasina lagu bixiyay lacago iskugu jira doolar iyo kaash iyo sidoo kale qoryaha fud fudud iyo moobilo labada dhinacba ay sheeganaysay hantidaas ayaa mid waxaa nin ganacsade ah looga qaatay deegaanka Galin-soor halka tan kalana ay ahayd lacago laga qaatay bakhaar ku yaal magaaladda Gaalkacyo .

Gudoomiye ku xigeenka goboblka Mudug Aweys Cali Saciid waxa uu intaasi raaciyay in labada dhinacba ayagoo la isku calool fiyowyahay goobtaasi la iku cafiyay

Waxa kale oo mudane Aweys carabka ku dhuftay in arimaha nabad galyada la soo hadal qaaday oo si isku mid ah looga wada shaqaynayo ayadoona uu xusay in hada ay socoto olole balaaran oo lagu sifaynayo wadada laamiga ah oo isbaarooyinka lagu qaadayo kooxaha halkaasi jidgooyada joogana talaabo cad laga qaaday qar ka mida ah isbaarooyinka waxa uu sheegay in lagu guulaystay oo laga qaaday wadada laamiga ah ee isku xirta Gaalkacyo iyo Galin-soor oo dhibaato xoogan ay ku hayaan isbaarooyinka dadka iyo Gaadiidka isticmaala wadadaas.

Cabdalla Max’d cabdille

Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,

Gal-Mudug State of SOMalia

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com