|
Xaflad soo dhawayn ah ee Denmark oo loo qabtay Madaxweynaha Galmudug Col. Max’ed Ahmed Caalin
Oct,5,2011
www.Hobyoradio.com


Xaflad soo dhawayn ah ee Denmark oo loo qabtay Madaxweynaha Galmudug Col. Max’ed Ahmed Caalin








Waxaa habeenkii Axadda ee Oktober 2dii, 2011 lagu qabtay magaalada Copenhagen xaflad si heer sare loo soo agaasimay laguna maamuusayay soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug Mudane Mohmed Ahmed Caalin iyo wafdiga uu hogaaminayay.
Xafalada waxaa soo qaban qaabiyay ururka lagu magacaabo Somalisk Forening for Genopbygning ee Copenhagen oo hawlo horumarin ah ka wada degaanka Galmudug, waxaana ka soo qayb galay dad aad u tiro badan.
Xafladda waxaa furay Wakiilka Galmudug ee Denmark Dr.Cabdicasis Mohamed Haji Cumar Fiqi, wuxuuna ku mahadceliyay odoyashii, aqoonyahannadii, culumadii iyo dadweynihii ka soo qayb galay soo dhaweynta Madaxweyne Caalim, warbixin kooban ka jeediyay horumarintii ay gaartay Dawlad Goboleedka Galmudug.
Waxaa kaloo ka hadlay xafladda Guddomiyaha uruka Dib u dhiska Somaliyed (Somalisk Forening for Genopbygning) Dr. Yassin Ahmed Osoble, wuxuu ka sheekeeyay wax qabadkii ururka ee la xirira hormarinta Galmudug. Waxaa xusid mudan in Dr. Osoble uu sheegay in Jaamacad lagu magacaabo Mudug University laga hirgaliyay Galmudug. Waxay dadweynihii aad ugu riyaaqeen markii ay maqleen in Jaamaddu ay u furtay tababar macalimiin dhan 220 wax ka dhigi doona dugsiyada deegaanka Galmudug iyadoo la kaashaneysa Hay’ada Save the Children macalimiintaasoo ka kala yimid degaanada Gobolada Dhexe.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Niels iyo Mrs Birte oo xubno ka mid ah Guddiga Fulinta ururka la yiraahdo Initiatives of Change ee Copenhagen oo bahwadaag ay yihin (Partners) ururka Jaaliyadda Denmark kuwaas soo sheegay in ay ka shaqeeynayaan horumarinta bulshada iyo nabad kuwa noolaanshada umadda meel kasta ay joogaan si loo helo nabad, cadaalada iyo nolol wanaagsan.
Xafladda waxaa ka hadlay odoyaal ka wakiil ah Jaaliyadda Somaliyeed ee Copenhagen, una hambalyedeyay Madaxweyne Caalin iyo wafdigisa horumarka ay gareen.
Ugu dambeyntii waxaa khudbad qiimo leh ka jeediyay Madaxweyhaha Galmudug Mudane Mohamed Ahmed Caalin, wuxuu sheegay inuu ka qayb galay shirkii International Contact Group oo looga hadlayay xaaladda Somaliya, wuxuu kaloo Madaxweyne Caalin ka sheekeeyay horumarka ay gaartay Galmudug mudda yar oo ay jirtay, wuxuu kaloo sheegay in Galmudug hadda la balaariyay oo ay oo gobollo cusub ku soo biireen. Inta hartana ay rajeeynayaan iney soo biiraan walaalahoos.
Waxaa xusid mudan in Mudane caalin sheegay in Galmdug kusoo dhaweynayaan Somalida oo dhan oo cid wax lagu yeeli karo deeganka Galmudug aysan jirin.
Guddiga Qaban qaabada xafladda
1. Abdihakim Osman Warsame “Luudo” Guddomiyaha Guddiga Qabanqaabada
2. Abdirahiin Hussein Dirshe
3. Mahad Ahmed Diriye
4. Deeqo Warsame iyo team-keeda
5. Firdowza Cumar
6. Abdirashid Ali Rooble “Jiinow”
7. Daa’uud Abshir Ali
8. Hassan Diriye
9. Hassan Ahmed Jama
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|