|
Golaha Wasiirada oo Maanta Muqdisho shir Ku Yeeshay kana hadlay Qaraxi naftii Hornimada aheyd War Saxaafadeed
Oct,6,2011
www.Hobyoradio.com


Galmudug oo Cambareysay Qaraxii Dadka Badani ay ku geeriyodeen ee Shalay Muqdisho ka dhacay.M/weyne K/xigeenka Galmudug Cabdi Samad
Dhagayso Gudoomiyaha golaha wakiiladda Xasan Hayl
Dhagayso
Golaha Wasiirada oo Maanta Muqdisho shir Ku Yeeshay kana hadlay Qaraxi naftii Hornimada aheyd War Saxaafadeed
Kulan caadi ah oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaalada dalka uu ku suganyahay gaar ahanaan qaraxii naftii halignimo ee ka dhacay xarunta hargaha iyo saamaha taas oo ay mas’uuliyadeeda sheegteen maleeshiyaada khawaarijta ah ee shabaab.
Kulankan maanta ay yeesheen golaha wasiirada ayaa waxaa shir gudoominayay ku simaha R/wasaare ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif waxa uuna sheegay in kulankii maanta diiradda lagu saaray mashaqadii ka dhacday ex xaruntii hore ee hargaha iyo saamaha halkaas oo ay wax yeelada ugu badan ka soo gaartay arday iyo sidoo kale dad rayid ah.
Sidoo kale R/wasaare ku xigeenka ayaa carabka ku dhuftay in golaha ay ka wada hadleen sidii gurmada caafimaad loogu fidin lahaay dadka qaba dhaawacyada culus kuwaas oo aan dalka gudahiisa wax looga qabankarin xukuumadana ay magacaawday guddi ka kooban shan xubnood kuwaas oo u koorgalayay xaalada dadkii ku waxyeeloobay qaraxasi waxa uuna sheegay in dowlada Turkiga ay noqotay dowladii ugu horeysay ee gurmada caafimaad u fidiso dadkii ay waxyeelada ba’an ka soo gaartay halkaasi.
Ugu dambeyntii C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ugu mahad celiyay dowlada Turkiga sida wanaagsan oo ay had iyo jeer isu garab joogto shacabka Soomaaliyeed
Sidoo kale C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ahne R/wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in maalinnimada talaadada ah ee soo socota in xubnaha golaha wasiirada kulan ka yeelan dodaan arinta la xiriirta xadeynta biyaha badda Soomaaliya taas oo mudooyinkanba muran ka taagnaa.
Dhamaad
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|