Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Xoghayaha Guud ee Danish Refugee Council  oo qaabilay Madaxweyne Max’ed Ahmed Caalin

Oct,6,2011 www.Hobyoradio.com

Xoghayaha Guud ee Danish Refugee Council  oo qaabilay Madaxweyne Max’ed Ahmed Caalin

 

Xoghayaha Guud ee Danish Refugee Council (DRC) ayaa xafiiskiisa ku qabilay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Mohamed Ahmed Caalin iyo wafdiga uu hoggaaminayo. Madaxweyne Caalin wuxuu uga mahad celiyay Hay’adda hawlaha gargaarka iyo horumarinta bulshada oo ay ka wado deegaanka Galmudug.Madaxweyne Caalin wuxuu ballan qaaday iney Hay’adda ku gacan siin doonaan una fududeyn doonaan habsami u socodka hawlaha gargaarka iyo horumarinta bulshada ee Galmudug.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Galmudug Dr. Mohamed Ali Nuur Haji wuxuuna ku bogaadiyay hawlaha ay Hay’adda DRC ka wado Galmudug, wuxuuna u ballan qaaday inuu xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya Hay’adda iyo Galmudug.  

Madaxweyne Caalin wuxuu kaloo la kulmay Isuduwaha qaybta maalgelinta mashaariicda Qurba jooga Somalida ee Denmark (Diaspora Fund) Maja Halleen waxayna ka wada hadleen mashaariicda horumarinta bulshada deegaanka Galmudug waxay Maja sheegtay in mashaariicdaas loo soo marin doono ururada  Qurbajooga Somalida ee Denmark (Danish organizations).  Labada qaabilaad waxaa goob joog ka ahaa Guddomiayaha ururka Somalisk Forening for Genopbygning Dr. Yassin Ahmed Osoble, Mr Abdihakim Osman Warsame ”Ludo” oo xubin ka ah guddiga fulinta ee ururka iyo Mr. Abdulfatah Sheekh Biixi oo ka socday qaybta tababarka mashaariicda ee DRC. 

Labada qaabilaad waxay ku soo dhamaadeen is afgarad iyo wada shaqeyn dhexmarta Dawlad Goboleedka Galmudug iyo DRC si loo sii wado gargaarka iyo hormarinta bulshada Galmudug.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|