Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Markab deeq shixnad ah sida Puntland oo ku soo xirtay dakada Bosaso.

Oct,6,2011 www.Hobyoradio.com

Markab deeq shixnad ah sida Puntland oo ku soo xirtay dakada Bosaso.
 
Wasiirka Maaliyada Dawlada Puntland Faarax Cali Shire oo maanta shir jaraa,id Saxaafada ugu qabtay Dekada magaalada Bosaso ayaa waxa uu kawarbixiyay Markab siday Qalaba ay ay leeyihiin Ciidamad Bada Puntland iyo macaawino katimi Dawlada Imaaraadka Carabata.
 
Wuxuuna wasiirku Saxaafada u sheegay in Markab ku uu siday macaawino Gaaraysa 400 oo tan oo isugu jirata Bariis,Caano,iyo Timir Daawo iyo Qalabka Biyahay lagu safeeyo. wuxuuna wasiiirku sheegay in macaawinadani aya tahay mid ay soo dhiibatay Dawlada Imaaraadka Carabata si loogu caawiyo dadka Somliyeed ee kusugan deegaanada Puntland.
 
Markabka ayaa sidookale wad
ay gaadiid uu sheegay wasiirku in Dawlada imaaraadku ugu talagashay in lagu qaybiyo macaawinda ay keentay kadibna marka ay macaawinadu dhamaato ay qaadanayso Dawlada Puntland .
 
Faarax Cali Shire Wasiirka Maaliyada Dawlada Puntland ayaa waxa uu Saxaafada u shaaciyay in markabkani sidoo kale uu siday Qalab ay leeyihiin Ciidamada Ladagaalanka Burcad Badeeda ee Puntland kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin guryahay laysku Xir xiro. .
 
Mar lawaydiiyay wasiirka su,aal ahayd in ciidmada Bada puntland aan loo tababarayn in ay Ladagaalamaan Buracada badeeda uu ujeedkoodu yahay in ay labaxaan Macdanta Puntland ayuu waiirku ku Jawaabay sidan. .
 
Dadka nalajooga anaga waa Tababarayaal shaqana kumalaha Hawlaha aad sheegayso ee Macadanta ah taasina wax kajiraa majiraan Dawlada Puntland waxay leedahay hay,ado uqaabilsan arimaha sidaasi waxaa yiri wasiirka maaliayada Puntlnsidoo kale wasiirka ayaa xaqiijiyay in deeqdan ay Dawlada Imaaraadka Carabta Puntland ugu soo dhiibatay tababarayaasha ciidamada Bada Puntland oo uu wasiirku sheegay in Dawlada imaaraadku ay iyadu maala galiso Bixisan mushaharka Ciidamadaasi.
 
War saxaafadeedka uu wasiirka ayaa ku soo beegmay xila ay dadku su,aalo badan iska waydiinayeen imaatinka markabkan.
 
liibaan c/laahi faarax {qaran}
liibaanqaran10@hotmail.com

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|