|
Wafdi ka socda Himilo International oo maantay soo gaaray magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Oct,7,2011
www.Hobyoradio.com


Wafdi ka socda Himilo International oo maantay soo gaaray magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.






Waftiga Dr. Max'ed Cali Adan, Sh.C/llahi Shire Cagey, Ganacsade Xasan Xirsi Karshe







Gudomiyaha jaliyadda Galmudug ee Canada Dr. Max'ed Cali Adan






Madaxda ugu sareysa Himilo International ayaa maantay waxa ay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Dawlad Goboleedka Galmudug iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha.
Waxaana xubnahaasi garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Himilo, Ganacsato,Maamulka,Macalimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Al-Shacab.
Wafdiga markii ay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo waxa ay islamarkiiba tageen Xarunta Iskuulka Al-Shaacab waxayna kulan kooban la qaateen Maamulka,Macalimiinta iyo qaar kamid ah Ardeyda Iskuulkaasi.
Wafdiga ka socday Jamciyadda Himilo ee Gaalkacyo soo gaartay waxaa ka mid ahaa:
Maxamed Cali Faarax oo ah Gudoomiyaha Himilo International .
C/Laahi Shire Cageey oo qaabilsan waxbarashada. .
Xasan Xirsi Kaarshe oo ah Madaxa Maaliyadda ee Himilo.
Mas’uuliyiintii soo dhaweysay wafdigaasi Himilo waxaa ka mid ahaa:
Pro. C/Laahi Xasan Cilmi (Jeemis) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Himilo International.
Maxamuud Aadan Cabdulle oo ah Maamulaha iskuulka Al-Shacab,
C/raxmaan Cumar Sheikh Nuur oo ah Maamule ku xigeenka iskuulka Al-Shacab.
Macalin Maxamed Macalin Abshir.
C/raxmaan Sheikh Nuur.
C/wali Muuse Lugeey.
iyo C/laahi Axmed Faarax.
Ugu danbeyntii Himilo International ayaa waxa ay tahay Jamciyadda gacanta ku heysaa islamrkaana dhistay Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Al-Shacab, waxaana la filayaa in Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyo xubnahaasi ugu sareeya Himilo International .
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.comTell= 00252690/753825 Galkacio-Galmudug-Somalia
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|