|
Ciidamada Somaaliland oo howl galo kasameeyay magalada Laascaano
Oct,8,2011
www.Hobyoradio.com


Ciidamada Somaaliland oo hoowl galo kasameeyay magalada Laascaano
Ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa 18kii saac ee la soo dhaafay waxa ay ka wadeen gudaha magalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool Qab qabasho iyo howlgalo ay ka sameeynayaan xaafadaha qaar ee magaalaaasi.
Dad farabadan oo sida la rumeysanyahay u badan kuwa ka soo jeeda qeybaha gobolada Bartamaha iyo Koonfurta dalka ayaa waxaa ay ciidamadu dhigeen gudaha xabsiyada ay ku leeyihiin magaaladaas iyagoona si xowli ah u wada howlgalada.
Wararka qab qabashada dadka ayaa ah mid isa soo tareysa, waxaana saacadihii ugu dambeyay la qabqabtay dad horleh, waakan wariye madaxbanaan
Howlgalada ciidamada Somaliland ay maanta ka wadaan Laasacaanood ayaa waxay ka dambeeyeen ka dib markii habeenimadii xalay halkaasi lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool .
Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo dhacooyin ceynkan oo kale ah ay ciidamada Soomaaliland ku qab qabtaan dad aad u farabadan oo iyagu guryahooda laga kaxeysto iyagoona ku tuhmaya in ay ka dambeeyeen falal halkaasi ka dhacay.
liibaan c/laahi faarax qaran
libaanqaran10@hotmail.com
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|