Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Waftigii Himilo International oo xaflad heer sare ah loogu sameeyey Xarunta Iskuulka Al-Shacab.

Oct,8,2011 www.Hobyoradio.com

Waftigii Himilo International oo xaflad heer sare ah loogu sameeyey Xarunta Iskuulka Al-Shacab.

Dr.Max'ed Cali Aadan iyo Dr. Jemes Xasan-Yare


Gudomiyaha jaliyada Galmudug ee Canada Ahna madaxa Himilo Dr. Max'ed Cali

G/lle sare Muxuyadin Macalin Cali

Maamulaha Alshacab Maxamuud Aadan Cabdulle

Dr.Max'ed Cabdi


 

Waftiga Himilo oo shahaado la gudoonsiinayo

Waftiga oo bakoorado la gudoonsiiyay Bidix Xasan Karshe, Max'ed Cali,C/lahi Shire


Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ismarkaana lagu soo dhaweenayay xubnaha ugu sareeya Himilo ayaa Galabtay waxa ay ka dhacday Xarunta Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Al-Shacab.
 
Xafladaasi waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin aad u farabadan waxaana ka mid ahaa Xubnaha ugu sareeya Himilo,Maamulka,Macalimiinta,Ardeyda Al-Shacab,Ganacsatada Gobolka iyo Marti sharaf kale.
 
Ugu horeyn xafladaasi waxaa ka hadlay Maxamed Cabdi Axmed oo ah Gudoomiyaha gudiga waxbarashada iskuulka Al-Shacab waxa uuna si weyn ugu mahad celiyay Himilo International hawshan horumarka leh ee ay u sameysay iskuulka Al-shacab.
 
Sidoo kale xafladda waxaa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha Himilo International Maxamed Cali Faarax waxa uu sheegay in aad ugu faraxsanyahay sida loo soo dhaweeyay, sidoo kale ardeyda waxa uu kula dardaarmay in ay ku dadaalaan waxbarshada si ay wax ugu qabtaan Dadkooda,Diintooda iyo Dalkooda.
 
Mas’uuliyiintii kale ee xafladda ka hadashay waxaa ka mid ahaa:

Pro. C/Laahi Xasan Cilmi (Jeemis) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Himilo International.
Col. Muxyadiin Macalin Cali oo ka socda Jaaliyadda Dibadda.
Maxamuud Aadan Cabdulle oo ah Maamulaha iskuulka Al-Shacab,
Macalin Maxamed Macalin Abshir.
C/wali Muuse Lugeey.
iyo Nabadoon Axmed Nuur Qeyd.

Ugu danbeyntii Himilo International waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf aad u qiimo badan waxaana si wada jir u gudoonsiiyay Maxamed Cabi Axmed iyo Maxamuud Aadan Cabdulle
.
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.com
Tell= 00252690/753825
Galkacio-Galmudug-Somalia

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|