Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Xarunta Agoonta Ibnu Mascuud oo Saakay xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Himilo International.

Oct,8,2011 www.Hobyoradio.com

Xarunta Agoonta Ibnu Mascuud oo Saakay xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Himilo International.


 
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ismarkaana lagu soo dhaweenayay xubnaha ugu sareeya Himilo ayaa waxa ay saakay ka dhacday Xarunta agoonta Ibnu Mascuud ee Magaalada Gaalkacyo.
 
Xafladaasi waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin aad u farabadan waxaana ka mid ahaa xubo ka socda Himilo,Maamulka,Macalimiinta,Ardeyda agoonta ah ee dhigata Xaruntaasi iyo Marti sharaf kale.
 
Ugu horeyn xafladaasi soo dhaweynta ah waxaa ka hadlay Cali Axmed Faarax oo ah Maamulaha Xarunta Ibnu Mascuud waxa uuna si weyn ugu mahad celiyay Himilo International hawshan horumarka leh ee ay u sameysay Xarunta a
goonta ee Ibnu Mascuud.
 
Sidoo kale waxaa ka hadlay C/Laahi Shire Cageey oo Himilo u qaabilsan waxbarashada waxa uuna sheegay in aad uu ugu faraxsanyahay sida loo soo dhaweeyay, sidoo kale ardeyda waxa uu kula dardaarmay in ay ku dadaal dheeraad ah sameeyaan si naftooda ay u anfacaan.
 
Mas’uuliyiintii kale ee xafladda ka hadashay waxaa ka mid ahaa:

Maxamed Cali Faarax oo ah Gudoomiyaha Himilo International. .
Xasan Xirsi Kaarshe oo ah Madaxa Maaliyadda ee Himilo.
Pro. C/Laahi Xasan Cilmi (Jeemis) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Himilo International.
Macalin Maxamed Macalin Abshir.

Ugu danbeyntii Mas’uuliyiinta Himilo waxa ay kormeer ku sameeyeen dhammaan qeybaha kal duwan ee Xarunta Agoonta Ibnu Mascuud.
 
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.com
Tell= 00252690/753825
Galkacio-Galmudug-Somalia

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|