|
Tacsi, Tiiraanyo iyo Cambaareyn Falkii Argagicisada ahaa ee Muqdishu ka dhacay 4tii Oktober 2011
Oct,8,2011
www.Hobyoradio.com


The Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations
Tacsi, Tiiraanyo iyo Cambaareyn Falkii Argagicisada ahaa ee Muqdishu ka dhacay 4tii Oktober 2011
Tacsi iyo Cambaareyn
Ururka Midowga Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliya ee Waqoyiga Yurub waxay cambaareynayaa falkii argagicisada ahaa ee ka dhacay Muqdishu 4tii Oktober 2011, falkaas oo lagu xasuuqay arday Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Waxaan dareemaynaa in ay 4tii Oktober 2011 noo tahay maalin ay musiibo gaartay dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan tacsi tiiraanya leh u diraynaa dhamaan eheladii ubadkoodii qaaliga ahaa lagu xasuuqay falka wuxuushnimada ah ee 4tii Oktober 2011 ka dhacay magaalada Muqdisho. Intii ku dhaawacantayna waxaan u Ilaah ugu baryeynaa in uu shaafiyo.
Waxaan u sheegeynaa dadka falkan ka danbeeyey in aynan marna gaareynin waxa ay ku tamahayaan oo ah in Soomaaliya indhaha laga rido. Waxaad isku daydeen in aad ummadda Soomaaliyeed macaluul iyo gaajo ku ciribtirtaan, hadana aad sidii cadada idiin ahayd xasuuqdaan ubaxa soo korayaa ee ummadda Soomaaliyeed. Hotel Shaamow dhibkii ummadda Soomaaliyeed ka soo gaaray kama aysan kabsanin. Haddana waxaad xaaqdeen dhalintii u noqon lahayd qaranka Soomaaliyeed hogaanka barito.
Waxaan u sheegaynaa ragga ku faanaaya xasuuqa shacabka aan waxba galabsanin in ay marna gaareyn hadafkooda khaaska ah. Waxaan shaki lahayn in dhibaatada aad maalin walba u gaysaneysaan ummadda Soomaaliyeed Ilahay idin ka abaalmarindoono Aduun iyo Aakhiraba.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan dadka doonaaya in ay ubadkooda gubaan oo u diidan horumar iyo nabad waarta. Waa in aan cod dheer ku niraahno AL-shabaab waa argagixiso iyo fidno loo soo diray in ay halaagaan ummadda Soomaaliyeed. Waa in aan daaha ka qaadno in shacabka Soomaaliyeed marna la cabsiin karin oo ay cadaw kasta oo soo wajaha si midnima leh iskaga caabindoonaan.
Tiiraanyo
Murugada Ilaahoow minankeena taal,
Musiibada Ilaahoow ay maleegayaan,
Maatida Ilaahoow ay muquuniyeen,
Muslinimada Eeboow ay mugdiga gasheen,
Miciistaa Ilaahoow meeydkoodu yaal,
Mujrimkaas mabaayee dhiiga muudsanayee,
Mahadhada dadkeenaas maankeeenu wuu tagay,
Qalbigeena milil iyo malax baa ka buuxdoo,
Indhaha mareeg iyo caad maaxayaa galay,
Moowloow ilaahoow mashaqadaas kuwii dhigay,
Mucjisa aan yarayn iyo moowjadaha waa-wayn,
Miisaanka aakhiro naarta ha masruuftaan.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|