|
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la jaamacadda Addis Ababa kula hadlay ardayday + Sawiro
Oct,9,2011
www.Hobyoradio.com


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la
jaamacadda
Addis
Ababa
kula
hadlay
ardayday + Sawiro
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan ku sugnaa Addis Ababa ayaa casuumaad ka helay Jaamicadda Addis Ababa (Addis Ababa University). Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas arday fara badan ku siiyey warbixin dhinacyo badan taabaneysey oo ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga Somalia, Geeska Africa iyo Caalamkaba, sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha waxuu warbixintiisa ku xusay xaaladda abaaraha ba'an ee dalka ka jira iyo sida uu dhismaha hay'adaha dowliga ay muhiim ugu yihiin dowlad wanaaga, amniga iyo la dagaalka musuqmaasuqa, ka hor-tagga abaaraha si aysan isagu bedelin macluul.
Ra'iisul Wasaaraha waxaa ku soo dhoweeyey goobta uu kula kulmayey ardayda oo si heer sare ah loo soo agaasimay Madaxa Machadka Nabadda iyo Amniga ee Jaamicadda Addis Ababa iyo Guddoomiyaha Jaamicadda Addis Ababa. Ra'iisul Wasaaraha oo horey u ahaa Professor ka dhiga maadada dhaqaalaha Jaamicadda Niagara ee dalka Mareykanka ayaa warbixintiisa si aad ah uga heleen ardayda oo si heer sare ah ugu sacbiyey, isla markaana su'aalihii ay weydiinayeen ay aad ugu mahadcelinayeen warbixinta muhiimka ah ee uu siiyey iyagoo sheegay inay wax badan ka faa'iideysteen.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa horey Jaamicadaha Buffalo, Niagara iyo Copenhagen sidoo kale warbixino ku siiyey ardeyda Jaamicadahaas.
Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|