|
Himilo International oo maantay booqatay Galkacyo University (GU)
Oct,9,2011
www.Hobyoradio.com


Himilo International oo maantay booqatay Galkacyo University (GU)













Himilo International oo dhawaan booqasho ku timid Magaalada Galkacyo ayaa maantay waxa ay booqatay Jaamacadda Galkayo University (GU) ee Magaalada Galkacyo ayadoo kulan la qaataday Maamaulka iyo Ardeyda Jaamacadda Galkayo University.
Xubnaha ugu Sareeya Himilo International waxa ay booqdeen dhammaan qeybaha ama facultyada ay ka koobantahay Jaamacadda Galkayo University (GU).
Ugu horeyn halkaasi waxaa ka hadlay C/laahi Macalin Xasan oo ku hadlaya magaca Ardeyda Jaamacadda waxa uuna Himilo uga warbixiyay baahida Ardeyda isagoo sheegay in Ardeyda ay u baahanyihiin waxyaabihii u fududeen lahaa waxbarashada.
C/laahi Macalin Xasan waxa uu sheegay in wax yaabaha Ardeyda ay u baahanyihiin in ay ka mid yihiin:
Copy Machine with Colour.
Text Book.
Internet High Speed.
Library ama Maktabad ardeydu wax ku diyaarsadaan.
iyo Baabuur Ardeyda Qaada.
Dhinaca kale Maxamed Cali Faarax oo ah Gudoomiyaha Himilo International ayaa wax uu ardeyda Galkayo University u balanqaaday in uu codsiga ardeyda gaarsiidoono Jaaliyadda dibadda ee Dalka Canada.
Maxamed Cali Faarax waxa uu Ardeyda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan waxbarashada si ay u anfacaan Naftooda,Dadkooda,Dalkooda iyo Diintooda.
Booqashadaan maantay ay Himilo ku timid Jaamacadda Galkayo University (GU) ayaa wax ay noqonaysaa booqashadii ugu horeysay ee ay ku yimaadaan xubno ka socda Himilo International Jaamacadda Galkayo University (GU).
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.com
Tell= 00252690/753825
Galkacio-Galmudug-Somalia
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|