|
R.wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, booqdayna goobtii ay mashaqadu ka dhacday (Sawiro)
Oct,9,2011
www.Hobyoradio.com


R.wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, booqdayna goobtii ay mashaqadu ka dhacday (Sawiro)







Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safari uu ku soo kala bixiyay dalalka Mareykanka, Dernmark, Imaaraadka Carabta iyo weliba dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga soo qeybgalay shirar caalami oo looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya..
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa maanta markii ay dalka dib ugu soo laabteen waxaa garoonka diyaaraddaha ee Aadancadde si weyn ugu soo dhoweeyey golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, maamulka gobolka iyo dadweynaha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ra’iisul Wasaaruhu uu halkaasi ku gacan qaaday mas’uuliyiintii soo dhoweysay..
Ra’iisul Wasaare Prof. Cabdiweli ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay socdaalkiisii dheeraa wuxuuna ku nuux nuuxsaday inuu guul ku soo dhamaaday, isla markaana shrikii guud ee Q/midoobay ee ay ka soo qeybgaleen isaga iyo wefdigiisu ay jawi wanaagsan ku qaateen.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Wakaaladdii Harkaha iyo Saamaha ee ay mashaqadu ka dhacday October 04,2011 kadib markii ay kooxda dhiigyacabka ah ee Khawaarijta Shabaab ay Qarax la beegsadeen halkaasna ku laayeen shacab tiradoodu kor u dhaafeysay 70 oo u badnaa Arday, wuxuuna R.wasaaruhu aad ula yaabay dhibaatada meesha ka dhacday iyo baaxada qaraxu saameeyey wuxuuna si gaar ah u dul istaagay bakhaar ay laheyd Wasaaradda Caafimaadka oo ay ku jirtay daawo taasoo ku baaba’day Qaraxa.
Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|