Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
kulankii Nabadaynta ee ka Socday Airporka Gaalkacyo oo Lacago Diyo iyo Xaalmarin lagu kala Qaatay iyo Qodobo Hordhac ah oo laga soo Saaray.

Nov,11,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

kulankii Nabadaynta ee ka Socday Airporka Magaalada Gaalkacyo oo Lacago Diyo iyo Xaalmarin lagu kala Qaatay iyo Qodobo Hordhac ah oo laga soo Saaray.
 
 
Kulankan Nabadaynta oo Maalmii u Dambeeyay uga Socday Airporka Magaalada Gaalkacyo Odayaasha Dhaqanka Labada Dhinac ee Magaalada Gaalkacyo Galmudug iyo Puntland ayaa laga soo kala saaray Go,aano Hordhaca oo ay Gaareen labada Dhinac.
 
Kulankan ayaa waxaa ka soo Qaybgalay in ka badan illaa iyo Konton Ergo oo labada Dhinac ah oo isugu Jira Odayaal Dhaqameedyo, Waxgarad, Aqoonyahano, Culama,udiin iyo Ganacsato waxaana kala Hogaaminayay Labada Gudoomiye Gobol Xasan Faarax Barre iyo Axmed Cali Salaad.
 
Shirkii Maanta ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha ayaa looga Hadlay Dagaaladaii iyo iskahorimaadyadii ka Dhacay Suuqa wayn ee Magaalada Gaalkacyo Magaalada Gaalkacyo 28 kii December oo ay ku Dhinteen in ka Badan 30 Ruux tiro intaa ka Badana ay ku Dhaawacmeen, sidoo ka le waxaa laga wada Hadlay Dhacii loo Gaystay Xawaalada Qaran, Weerarkii Dawlada Hoose Magaalada Gaalkacyo Dhinaca Puntland arintaas oo ay ku Dhinteen illaa iyo Sadex Qofood, waxaa sidoo kale ugu Dambayntii looga Hadlay Dilal si kala Gooni Goono ah loogu Gaystay Gudaha Magalada Gaalkacyo Dhinaca Waqooyi ee Puntland.
 
Waxaana Shirkii Maanta ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Lagu Gudoonsiiyay Maamulka Puntland Lacag Gaaraysa illaa Lix Boqol Sodon iyo Shan Milyan kuwaasi oo ay Gudoonsiiyeen Odayaasha Dhaqanka Maamuka Galmudug oo lagu Sheegay Diyo illaa iyo Sadex Qof iyo Xaalmarin, waxaana laga warsugayaa Dhinaca Puntland.
 
Gabgabadii kulanka ayaa waxaa saxaafada la Hadlayay Labada Gudoomiye Gobol ee Xasan Faaraxa Bare iyo Axmed Cali Salaad oo labaduba Sheegay Qodobo Hordhac ah oo la isku afgartay Qodobadaa s ayaa waxaa ka Mid ah
 
1-In La Magacaabay Gudi ka Kooban Toban Xubnood oo labada Dhinac ah oo soo Qiimeeya Dhibaatooyinkii Dhacay oo ay ka mid tahay Dhacii loo Gaystay Xawaalada Qaran, Weerarkii Dawkada Hoose iyo Dagaalkii ka Dhacay Suuqa Wayn ee Magaalada Gaalkacyo.
 
2-In labad Maamulba ay iska Kaashadaan Amaanka Gobolka ayna Mar walba wada xariiraan.
 
Isku soo wada Duuboo Shirkii Maalmihii la soo Dhaafay ka socday Garonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa u Muuqanaya Mid Miradhal ah oo wax ka Bedeli kara Falalka Amaandaro iyo is Fahamla,aantii ka jirtay labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland lamana oga Xiliga Rasmiga ah ee uu soo Gaba gaboobi doono.
 
Farxaan Maxamuud Xareed
Hobyo Media Network Gaalkacyo
farxaanxareed@hotmail.com


 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|