XARUN XABSI OO LAGA HIRGALINAYO XAAFADDA DALSAN MAGAALADA GALKACYO EE GAL-MUDG STATE. {DaawoSawirada dhismaha xabsiga}

Nov,3,2007 www.Hobyoradio.com

Xabsigaan oo si iskaa wax u qabso ah ay ku dhisayaan ganacsatada, culumaa'udiinka, fuundiyaasha, dhallinyarada, odayaasha, Haweenka iyo qaybo kale oo dadka deegaanka dowlad goboleedka Gal Mudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa loogu talo galay in lagu xoojiyo howlaha nabad galyada iyo wax ka qabashada dadka caadaystay in ay bulshada u gaystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin burcadnimo,tuuganimada ,Isbaarooyinka iyo wixii la mid ah ,ayaa malinimadii jimcaha 2/11/2007 waxaa laga bilaabay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Dalsan ee degmada wadajir.

Dhismaha xabsiga oo markii horaba ahaa mid qabyo ah oo tabarucaad lagu dhisay ayaa waxaa hada la bilaabay in dib loo bilaabo dhismaha xabsiga oo ah mid ku fahiya dhul badan ayaa waxaa hada dhisan laba qol, musqulohooda iyo daydkii qayb ka mid ah ayadoona ay dhiman yihiin qaybo kale oo muhiim u ah xabsiga.

Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo ayaa ka qayb qaatay dhismaha xabsiga waxaa kaloo ayana shaqaynayay kawaarida daabusha dhagxaanta iyo dhoobada guud ahaan dadka shaqaynayay ayaa ahaa kuwo farxadi ka muuqatay oo xoogooda ugu deeqay dhismaha xabsiga Gaalkacyo.

Saxaafada gobolka ee ay ka mid tahay hobyoradio oo goob joog ka ahaa munaasabada dhismaha xabsiga ayaa waxaa la hadlay oo warbaahinta hadalo umariyay shacabka reer Gal-mudug kuwa gudaha iyo kuwa dibada joogaba masuuliyiin iyo culimo' udiin caan ka ah deegaanka Gaalkacyo isla markaasina ka qayb qaadanayay dhismaha xabsiga oo naf iyo maalba uhuray.

Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay Maamulaha dugsiga H/Dhexe ee Al – Badar kana mid ah culumada waawayn ee deegaanka Gaalkacyo Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre iyo Ganacsade Cabdikariin Sheekh Axmed  waxayna xuseen in dhismaha xabsiga ay gacan weyn ka gaysteen ganacsatada culimada iyo qaybaha bulshada ayagoona ku dheeraaday muhiimadda xabsigaasi iyo sida loogu baahan yahay in howlihiisa iskaa wax u qabsiga ah loogaga wada qayb qaato.

Waxana rajo weyn ka muujiyeen in la gaba gabeeyo bishaan gudeheeda ayagoona xusay in aysan jirin wax hay’ada ah oo gacan ka siisay dhismaha xabsiga,  hay’adii naga gacan siinaysa dhismaha xabsiga iyo shaqada culus ee aan hada hayno mar hore ayuu dhamaan lahaa oo xiligaanba naguma soo gaareen  sidaasi waxaa yiri Sheekh Muxiyadiin Sheekh Yuusuf barre oo ka hadlayay munaasabada dhismaha xabsiga Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii munaasaba dhismaha ah ka hadlay qaybaha dhalinyarada iyo ardayda waxa kabarata iskuulaadka Gaalkacyo oo ayagu gacan weyn ka gaysanayay xaga dhismaha xabsiga deegaanka Gal-mudug laga hirgalinayo.

Daweyanha reer Gaalkacyo ayaa dareen farxad leh ka muujiayay hirgalinta xabsiga oo ay dadku sheegeen in uu wax weyn ka qaban doono hawlaha amaanka ee deegaanada Gal-mudug  State.

Waxa uuna dhismaha xabsigaan ku soo beegmayaa xili mudooyinkaan magaalada Gaalkacyo iyo wadada laamiga ah ee aada Muqdisho ay ka socdeen olo ole balaaran oo lagu qaaday kooxihii isbaarooyinku u yiileen wadada iyo kuwii amaan darida ka waday gudaha magaaladda, waxaana hawshaas si wada jir ah u wada maamulka Gal-mudug, ciidamada booliska oo uu hogaaminayo G/Sare Max’d Nuur Cali Gadaar iyo qaybaha kale ee bulshada waxaana xabsiyo ku yaal gudaha magaalada hada la dhigay in ka badan sodon ruux oo lagu eedeeyay inay wadeen falal amaan dari iyo joogitaan isbaaro oo dadka dhibaato weyn ay ugu gaysanayeen.

Cabdalla Max’ed Cabdille

Xafiiska Hobyoradio Galkacyo,

Gal-Mudug Satae of SOMalia,

Cabdalla45@hotmail.com..

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com