Ururka SDRO, oo kaashanaya UNICEF, oo dhisme isbitaal loogu talo-galay
HOOYADA iyo DHALLAANKA ka wada Koonfurta Gaalkacyo ee (DG) Galmudug State.

Dec,11,2007 www.Hobyoradio.com

Ururka SDRO, oo kaashanaya UNICEF, oo dhisme isbitaal loogu talo-galay
HOOYADA iyo DHALLAANKA ka wada Koonfurta Gaalkacyo.


 
W.D.
Calideeq Max’ed Xaashi.

 
 
Dhawaan waxaa laga billaabay xaafadda Horumar ee Koonfurta
magaalada Gaalkacyo dhismaha Xarun caafimaad (MCH) oo ballaaran oo loogu talo-galay daryeelka HOOYADA iyo DHALLAANKA, oo ay dhismihiisa iska
kaashanayaan hay,adda Qarammada Midoobay u qaabbilsan xannaaananada
carruurta ee UNICEF iyo ururka waddaniga ah ee Somali Development and
Rehabilitation Organization SDRO.
 

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka mudug iyo Guddiga Nabadgalyada GalMudug, Dr. Max,ed Amiin iyo Cali-Daahir.


18/11/07. ayaa la dhagax-dhigay aas-aaska xaruntaas daryeelka
caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Waxaana ka qayb-galay dhagax-dhiggeeda masuuliyiin kala duwan ka kala socotay maaammulka dawlad-goboleedka GalMudug, maammulka isbitaalka weyn ee Koonfurta Gaalkacyo, ururrada bulshada rayibka ah iyo qaar ka tirsan ganacsatada Koonfurta Gaalkacyo.


Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintaas, Guddoomiye ku xigeenka gobolka
Koonfurta Mudug ee dawlad-goboleedka GalMudug mudane Aways Cali Siciid,
guddoomiye ku xigeenka gobolka Hobyo ee dawlad-goboleedka GalMudug mudane C/Laahi Yuusuf Guuleed (Digsi), madaxa dhakhaatiirta isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo mudane Dr. Max’ed C/Kariim Nuur ( Dr. Max’ed-Amiin),G/Sare C/Laahi Aadan Xuseen (Cirro) oo xubin ka ah Guddiga Nabadgelyada ee dawlad-goboleedka GalMudug, isku-dubba-ridaha SDRO ee deegaannada GalMudug mudane Cali-daahir Max’uud Xirsi iyo masuuliyiin kale.


Isku-dubba-ridaha mashaariicda SDRO ee Soomaaliya mudane Cumar
Ibraahim Sabriye (Cumar Islaweyn) oo aan magaalada Gaalkacyo kula kulmay  dhawaan ayaa waxa uu iiga warramay mashruucan dhismaha isbitaalkan loogu  talo-galay daryeelka caafimaadka HOOYADA iyo DHALLAANKA. Wuxuuna mudane  Cumar Islaweyn ii sheegay in dhismaha xaruntan caafimaad ay iska kaashanayaan hay’adda UNICEF iyo ururka waddanigaa ee uu madaxda ka yahay ee SDRO. “waxaa talo iyo taakulayn kaleba ka gaystay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfurta Gaalkacyo” ayuu yiri mudane Cumar Islaweyn.

Wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dhismaha xaruntan caafimaad ee DARYEELKA HOOYADA iyo DHALLAANKA ay ku kalliftay dhibaatada caafimaad-darro ee ka jirta deegaannada dawlad-goboleedka GalMudug. Isagoo intaas ku daray, in sida u qorshaysan, dhismaha xaruntan caafimaad la soo gabagabeyn doono dhammaadka  bishan Disember ee sannadkan 2007-da. “waxaana lagu talo-galay” buu yiri mudane Cumar Islaweyn “ in xaruntaas caafimaad la furo 31- Desember ee sannadka 2007-da”.
 

 
Isku-dubba-ridaha mashaariicda ee ururka SDRO mudane Cumar Ibraahim
Sabriye (Cumar Islaweyn), oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd inta ay la
egtahay wax-tarka caafimaad ee xaruntani ay u leeyahay bulshada, ayaa ku
nuuxnuuxsaday in sannadkiiba ay ka faa’iidaysan doonaan dad tiradoodu
gaarayso illaa 25000 oo qof. Waxaana ka mid noqon doona dadkaas, sida
qorshuhu yahay, 10,000 oo haween uur leh oo lagu talo-galay inay sannadkiiba ku dhalaan xaruntan laguna daaweeyo.

Wuxuuna mudane Cumar Islaweyn intaas  raaciyay in sidoo kale xaruntaas ay sannadkiiba u fidin doonto daryeel  caafimaad carruur ay tiradoodu gaarayso 10,000. da’dooduna ay ka yartahay 5 sano. Isku-dubba-ridaha SDRO ee GalMudug mudane Cali-daahir Max’uud Xirsi, oo aan isna xog-waraysi la yeeshay isagoo joogay goobta uu ka socdo dhismaha xarunta caafimaadka HOOYADA iyo DHALLAANKA ee Koonfurta Gaalkacyo, ayaa ii sheegay in xaruntan caafimaad ay ka koobnaan doonto 10 qol oo kala ah, 3 qol oo la seexin doono dumarka jirran, 2 qol oo loogu talo-galay carruunta, qol uu dhakhtarku wax ku baari doono, Xafiis, hoolka shirarka, bakhaar, qolka shaqaalaha, barkad biyood iyo 4 musqulood.

Dhismaha mashruucan oo si dardar leh u socda maalin kasta marka laga reebo Jimcaha, ayuu Calidaahir ku rajo weynyahay inuu ku soo gabagaboobi doono wakhtigii loogu talo-galay. Wuxuuna sheegay in, faa’iidada caafimaad ka sokow, uu dhismaha mashruucani u leeyahay bulshada faa’iido xagga dhaqaalaha ah. Waayo?. waxaa hadda ka shaqaynaya dhismihiisa in ku dhaw 70 shaqaalaha dhismaha ah. Taasuna waxay bulshada deegaanka u tahay faa’iido dhaqaale.
 
 
Mar aan wayddiiyay cidda maammuli doonta xaruntan caafimaad marka la
dhammays-tiro, ayuu mudane Calidaahir max’uud Xirsi iigu jawaabay “waxaa
xarunta maammulkeeda gacanta ku hayn doona ururka SDRO, oo gacan ka helaya UNICEF. Inta bulshada Koonfurta Gaalkacyo ay ka gaarayso isku-fillaansho ay ku hanan karto maammulka xaruntaas”. Wuxuuna intaas ku daray mudane Calidaahir max’uud Xirsi in hay’adda UNICEF ay daawooyinka siin doonto xarunta.

Wuxuuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in daaweynta iyo dhammaan
adeegyada kale ee caafimaad ee xaruntaasi ay ugu qaban doonto bulshada
lacag-la’aan.
 
 
Dhismaha xaruntan caafimaad ee ururka waddanigaa ee SDRO, oo
kaashanaya UNICEF, uu ka wado Koonfurta Gaalkacyo ayaa si wada jir ah waxaa u soo dhaweeyay maammulka iyo dadweynaha reer GalMudug. Waxaana aad loogu han-weynyahay, marka uu hawl-galo, inuu wax weyn ka tari doono baahida  caafimaadka HOOYADA iyo DHALLAANKA ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku dhadhaw.
 

Calideeq Max’ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
Gaalkacyo, GalMudug State, Soomaaliya.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com