Ururka Haweenka Midnimo Ee Magaalada Gaalkacyo oo wada Hawlo ay Ugu Adeegayaan Shacabka Gal-Muudg Ayagoona Dhawaan ay hir galinyaan Dhismaha Suuq cusub Ee ay yeelato Gaalkacyo. {Daawo Sawirada}

Dec,13,2007 www.Hobyoradio.com

Ururka Haweenka Midnimo oo ka mid ah ururada ka jira magaalada Gaalkacyo ee dawlad goboleedka Gal-Mudug State ayaa wada hawlo dar dar ah oo ay doonayaan in ay shacabka Gal-mudug wax ugu qabtaan ururka midnimo oo hawlaha ay Gaalkacyo kawado inta badan ay tahay waxa barshada dumarka magaalada Gaalkacyo oo loo sameeyo taba baro ka ladaduwan oo ay ka mid tahay wax barshada aas aasiga ah iyo sidoo kale toliinka harqaanka isla markaasina markii aad booqatid iskuulka hoaweenka oo lagu magacaabo Horseed ee magaalda Gaalkacyo ayaa waxaad durba arkaysaa in ay ka socoto wax barsho aydoona ay buux dhaafiyeen dumar farabadan oo ka yimiaada xaafadaha magaalda Gaalkacyo oo iskuulaasi wax ka barnaya.

 Marwo Ismahaan, Dr Mohamed, Geir and  Margreth

Ururka haweenka midnomo ayaa waxaa dhinca maal galinta gacan weyn ka siiya ururka lagu magacaabo Norsom oo fadhigiisu yahay dalka Norwey waxyna ururkaasi udiseen iskuulka horsed masuuliyiin ka oscotay ururka Norsom oo dhawaan soo gaaray magaaalda Gaalkacyo ayaa kormeer ku tagay dhismaha iskuulka oo xiligaasi ay ka socatay wax barshada caadiga ah ee dumarku ay wax ku baranayeen.

Marwo Xabiibo iyo Marwo Ismahaan

Haweenka kasoo qayb galay

W.H.H. ee Galmudug Xabiibo Koofurow

Ururka Midnimo ee Galmudug State

Masuliyiibntii kormeerka ku tagay ayaa ka la ahaa ismeehaa wareeje iyoD.r. maxamed Elmi oo labaduba ah hawl wadeenada ururka Norsom waxaana sidoo kale ku wehliayay kormeerkooda Geir iyo Margreth oo ka socday uruka yme ee dala Norweyn sidoo kale kulamo dhawr ah oo ay ururadaasi ku yeesheen xarunta hay'dda GSA ee magaalada galakcyo ayay uga hadleen sidii loo dabooli alhaa baahiyada faraha badan ee ka jira deegaanada gal-mudg satate waxayna ururka haweenka midnimo cosdiyo usoo gudbiyeen ururada aygoona ka codsaday in loo dhiso suuq ay yeelato magaalada galkacyo gaar ahaan deegaanda Gal-mudg taasi ayaa lagu guulaysatay waxaana ururka midnimo ay ururada kale ubalan qaadeen qarshka lagu fulinayo dhismaha suuqaas aydoona maalmo kadib lagu doonsiiyay deeq lacageed isla markaasina durbadiiba loo gaday dhulkii laga dhisi lahaa suaaqaas oo alagu qarash gareeyay lacg dahan $175000,{toban iyo todobo kun iyo shan boqol oo doolar} waxaana goob jog ka haa lacaga alka gudoomay masuuliyiin iyo marqaatiyaal fara badan waxaana dhanka ururka midnimo ka socday xabiibo koofurow,caasho Max'ed  kaahiye, Shukiri Sheekh doon waxayna sheegeen in ay ku farxsan yihiin isla markaasina ay umahad celiyeen ururada gacanta ka gaysaty hawshaas xabiibo dhismha suuqa ayay sheegeen masuuliyinta ururka midnimo in dhawaan ay bilaabi doono dhismaha suuqaas laga hir galinayo degmada wadajir ee magaalda Gaalkacyo

Dr. Mohamed oo lacag Gudoonsiinaya

Madax Ururka oo lacag tirinaya

Dhulkii loo gaday  Midnimo oo goor dhow dhisme laga bilaabi doono.

Arint ah dhismaha suuqa ayaa ah mid faaido weyn uleh shacabka  Gaalkacyo gaar ahaan reer Gal-mudug aydoona hadii ay hir gasho ay tahay talaabo wanaagsan oo ay qaadeen ha'daha iyo ururadaas.

Cabdalla Max'ed cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo, Gal-Mudug State of SOMalia,

Mobail:002521 62270923

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com