Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
M/weyne Maxamed A. Caalin oo Gaaray Maanta Dagmada Cadaado ee xarunta Ximan & Xeeb.

Dec,15,2010 www.Hobyoradio.com

Qudbooyinkii ay jeediyeen wafuuda kasocota  DKMG iyo Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid  Halkan ka Dhagayso

Warar Goos Goos ah  oo NABADA gobolka Mudug Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin oo Gaaray Maanta Dagmada Cadaado Ayadoona halkaas Si diiran loogu soo dhaweeyay.

Masuuliyiinta maamulada Ximan & Xeeb iyo Galmudug oo ku kulmay Cadaado


 
Maxamed Axmed Caalin Madaxweynaha Maamulka Galmudug Ayaa Gaaray Dagmada Cadaado Asagoona halkaas Shir kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb.
 
Shirkaan Ayaa Waxa uu ka dhacay Dagmada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, Ayadoona ay goob joog ahaayeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Macalin C/laahi Tiicey, Shirka ayaa Sidoo kale Waxaa Goob joog ahaa Culuma'udiin, odayaal iyo Waxgarad ka soo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.
 
Markii uu Shirka soo gaba gaboobay Ayaa Idaacadda Hobyo Waxaa uga Warbixiyay Waxyaabihii Shirka looga hadlay Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin, Asagoona Shaaca ka qaaday in ay ka wada hadlayeen Nabada Gobolka Galgaduud iyo Sidii Dadka Walaalaha ah ee Dirirtu dhex martay loo heshiisiin lahaa, Madaxweyne Caalin ayaa intaas ku daray in Shirkaasi uu is afgarad ku soo dhamaaday.
 
Sidoo kale waxa Idaacadda Hobyo ay Waraysi la yeelatay Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Macalin C/laahi Tiicey, Waxa uuna dhankiisa Shaaca ka qaaday in Shirkaasi uu si heer saro ah uu U soo gaba gaboobay Asagoona Ugu baaqay Dhamaan Dadka Shacabka ah Ee Ku dhaqan Gobolka Galgaduud in ay ka shaqeeyaan Nabada Gobolka.

 
Waxaa la filayaa Shir midkaan daba socda in maalmaha fooda nagu soo haya ay yeelan doonaan odayaasha iyo Waxgaradka Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.
 
Dhan walba hajirtee Shirkaan ayaa Waxa uu ku dhamaaday is afgarad labada dhinac ee Shirka Yeeshay Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.
 
W/D Siciid Jaani
Photo C/kariin Salaad Maxamud Dhaqane
Hobyo Media Network Gaalkacyo

Siciidjaa@hotmail.com

COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Hees cusub Guulbay Horsedeen Galmudug Fananka weyn Lafoole iyo Fananada codka macan Fartun Cumar. Halkan ka dhagayso
Shabakada Warbaahinta Hobyo oo Maanta La Gudoonsiiyay Shahaada Sharaf Nabada ah (Peace Novel Press}. Daawo
Baraanbur loo tiriyay Abwaanada Sahra Dahir oo la magac baxay SAHRA XARIIR BAA TIHIYO XUURAL CAYNTA DUMAR.
Dufcadii u Horaysaysay ee Ardayda Jaamacada Mudugu nivesity (MU) oo Maanta ay u Bilaabatay Waxbarashadoodii Jaamacadda. Daawo
Kulankii Golaha Xukuumada Galmudug ee Maanta oo Sahra D. Mire Loogu Aqoonsaday Abwaanada Sanadka 2010. Daawo sawiro
XAFLAD MAHAD CELIN IYO ABAALMARIN AH OO LOO SAMEEYAY ABWAANADA SANADKA 2010 SAHRA D. MIRE.Daawo
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|