Ururka Ardayda Gal-Mudug State oo doortay Guoomiye Cusub, Munaasabada Doorashada Gudoomiyaha Oo Ka Dhacaday Dugsiga Sare SYL Xaafadda New Bulsho Degmada Wadajir Ee Magaalada Gaalkacyo.{Daawo Sawirada}

Dec,17,2007 www.Hobyoradio.com

Munaasabad aad ubalaaran oo ay soo qaba qaabiyeen ururka aradayda dawlad goboleedka Gal-mudug State ayna ka soo qayb galeen inta badan xibnaha golaha dhexe ee ururka ayaa ka dhacday xarunta iskuulka sare SYL oo dhawaan usoo guuray xaafadda new bulsho degmada wadajir ee magaalda Gaalkacyo ayadoona uu iskuulku ka soo guuray dhismhii hore iskuulka haweenka horsed ee magaalda Gaalkacyo.

Munaasabdaan ayaa ahayd doorashada gudoomiyaha ururka ardayda Gal-mudug State {Gal-mudug Student Associotion} Munasabda ayaa ugu horayn lagu faray aaydaha quraanka kariimka ah oo uu aqriayay cismaan Macali Saciid, kadibna waxaa hadlo ka soo jeediayay masuuliyiin ka tirsan ururka ardayda oo ay ka mid ahaayeen C/Laaahi Abshir Maxaud oo ah gudoomiyaha golaha dhxe ee ururka iyo cabdi raxmaan cali cabdi raxman oo isna ah xog hayaha golaha dhxe ururka aradayda Gal-mudug.

Masuliyinta ku jirta golaha dhexe ayaa aygu la doortay todaabkii hore kulan ka dhacay gudaha iskuulka AL-Bader ee magaalada galkacyo waxana masuuliyintaan ka hadleen sida ay ugu farxsanyihiin munaasabda doorashada gudoomiayha intaasi ka dib waxaa laguda galay dorshadii gudoomiyaha oo ay jagadaas isku soo taageen una tartameen 3xibnood oo kala ah.

1:Cali Saciid Xasan Cabdi,2:Max’d Daahir Cabdi {Toronto}3:Shukri Max’d Daahir,

Gudoomiyaha gudiga doorashada faaid max’d cali oo si wanaagsan u waday xil gooni ahna iska saaray qaabka doorashada usocotay isla markaasina ay codaynayeen tartamayaasha ilaa 38 xibnood hab qoraal ah oo qof waliba warqad la siiayay ku soo qaray ciduu dooranayo ayaa waxay codka ukala heleen sidaan Cali Saciid xsan cabdi ayaa helay 29cod,Max’d daahir cabdi {Toronto}ayaa helay 8cod,halka Shukri Max’d daahir ay ka heshay 1cod.

Waxaana jagada gudoomuiyaha ururka ardayda ku guulaysatay Cali Saciid Xasan Cabdi oo noqday musharxa cododka ugu badan helay sidaasina loo anisxiyay gudoomiya nimadiisa waxaan hadalo goobta ka soo jeediayay mushrixiintii tar tanka kula jirtay gudoomiyaha ee Max’d daahir cabdi iyo Shukri Max’d daahir waxayna sheegeen in ay ku qancasnyihiin isla markaasina ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan gudoomiyaha cusub cali saciid.

Gudoomiye cali saciid oo isna doorshadiisa kadib munaasabdda ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday inuu ku qanacsan yahay xilka adag ee loo dhiibay uuna rajaynayo in si wanaagsan uu uga soo bixi doono kana codsaday in ay la shqeeyaan masuuliyiinta isga uu uga guulaysatay doorashada iyo inta kalaba, asgoona intaasi ku daray in uu maal maha soo socda maga caabi doono qaybaha kale ee laga maar maanka ua ah ururka sida ku xigeenadiisa iyo qaybaha kale ururka.

Munaasbadda doorashada gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay gudoomihii hore ee ururka ardayda gal-mudug C/raxman Macalin Max’d oo umahad celiaay qayba kala duwan ee ururka iyo gudoomiyaha cusub waxa uuna ka warbxiyay marxaladihii kala duwanaa ee ururku soo maray.

waxa isna munaasabda ka hadlay Burhaan warsame xirsi xog hayihii hore ee ururka ardayda gal-mudug masuuliyiintii hadshay ayaa dhamaantood taageeray gudoomiayaha isla markaasina sheegay in ay la shaqaynayaan

Waxayna munaasbadu ugu danbayn ku dhamaatay jawi aad uwanagsan.

Cabdalla Max’d cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,

Mobail:002521 62270923

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com