Ciidamo Cusub oo Maxaakiimta ka tirsan ayaa ku sii gurmaya jiidaha hore ee dagaalka iyo Xuduudaha.

Talado,Dec,19,2006

Ciidamo Cusub oo hor leh oo ka tirsan Maxaakiimta Islaamka ayaa ku sii cosda furimaha iyo xuduudaha ku xeeran deegaanada ay Maxaakiimtu gacanta ku hayaan ayadoo ciidamadaan ay ku biirayaan ciidamada kale ee Maxaakiimta ee deegaanadaas ku sugan.

Ciidamo hor leh oo wata 8 gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa saaka u ambabaxay deegaanka Far-libaax oo ku dhow Xuduuda Soomaaliya ay la leedahay dalka Ethiopia halkaas oo Ciidamo Maxaakiimtu leedahay ay baryahaanba difaac uga jireen.

Deegaankaas ayaa horey waxaa u fadhiyay Ciidamo ka socday dalka Ethiopia oo ayagu hadda ka hulaalay ayagoo ukala qayb samay dhowr dhinac oo qaar aadeen deegaanka Balan Bale, qaarna dhanka Feer-feer.

Ciidamadaa Maxaakiimta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dalkooda iyo diintoodaba difaacaan, waxayna mas’uuliyiinta reer Hiiraan sheegeen in aysan u ogalaani doonin dalkooda in ay soo galaan Ciidamda Cadowga Waa kuwa Ethiopia.

Dhanka kalana wararka ka imaanaya Jubbada Hoose Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Ciidamo badan oo baryahaanba lagu tababarayay deegaankaas ay u ruqaansadeen deegaanka diinsoor ayagoo tagi doona Jiida hore ee dagaalka ayadoo Mas’uuliyiinta Gobalku sheegeen in ay ciidamdaani ayagu codsadeen in la geeyo safka hore ee dagaalka si ay u difaacaan dalkooda iyo diintooda

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com