Ethiopia oo sheegtay in ka bixitaanka Ciidamadeedu ee Soomaaliya aysan xal ahayn ee xalku yahay in la wada hadlo.

Talado,Dec,19,2006

Dowlada Ethiopia ayaa shaacisay in uusan xal kujirin in Ciidamda Ethiopianka ah eek u sugan gudaha Soomaaliya laga saaro Soomaaliya ee uu xalku yahay in la wada hadlo oo aya wada hadlaan Maxaakiimta iyo Dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliyeed.

Wasaiir Warfaafinta ee Ethiopia Burhan Heilu ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya marka laga reebo tiro xadidan oo Tababarayaal ah oo caawinaya dowlada ku meel gaarka ah, waana difaacayna dowlada ku meel gaarka ah hadii ay naga codsato.

Waxa uu raaciyay in Ethiopia ay diyaar u tahay in ay la hadasho cidkasta oo Soomaali ah oo danaynaysa xalka Soomaaliya, kama wal walayno dagaal nalaku soo qaado oo ka yimaada dhanka Maxaakiimta, waxaana rabnaa in xal nabadeed laga gaaro dalka Soomaaliya.

Laakiin Maxaakiimtu ma doonayaan in ay la heshiiyaan dowlada ku meel gaarka ah waana kuwa diidan nabadda, ka bixitaankeenana wax xal ah kuma jirto ee xalku wax uu ku jiraa in la wada hadlo oo ay wada hadlaan Maxaakiimta iyo dowlada ku meel gaarka ah.

Aydoo ay Maxaakiimtu 7 bari u qabteen in Ciidamada Ethiopianku kaga baxaan dalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa dhamaaday waqtigii loo qabtay inkastoo ay Maxaakiimtu ay meel iska dhigeen go’aankaas oo ay sheegeen in ay doonayaan in xal lagu dhameeyo arrinka intii dagaal lagali lahaa, waxayna sheegeen Maxaakiimtu in aysan weerari doonon Ciidamada Ethiopian ka eek u sugan dalka Soomaaliya inta wadahadaladu socdaan.

Inkastoo Ethiopianku diidan yihiin in Ciidamo ka joogaan ayaa haddana waxa cadeeyay Qaramada Midoobay oo ku qiyaastay Ciidamada Ethiopian ka ah eek u sugan Soomaaliya in ay gaarayaan ilaa 8,000 oo askari.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com