Ciidamo kale oo hor leh oo kuwa dowlada ah ayaa ka soo baxsaday dowlada oo soo gaaray deegaanadii ay ka soo jeedeen.

Talado,Dec,19,2006

Wararka ka imaanaya deegaanka Buur-dhuubo ayaa sheegay in Xalay ilaa Maanta aya deegaankaas soo gaarayaan Ciidamo ka tirsan Ciidamada Dowlada ku meel gaarka ah, kuwaasoo ka soo baxsaday dowlada ayagoo sheegay sababo kala duwan .

Mas’uuliyiinta deegaankaas ayaa waxa ay diyaarinayaan meelihii ay dagi lahaayeen Ciidamadaan ka soo gadooday dowlada ku meel gaarka ah, mas’uuliyiinta ayaa ku dadaalaya in ay helaan gobo cayiman oo ay dajiyaan Ciidamadaan, ciidamadaan oo asalkoodu yahay kuwo u dhashay deegaankaan Buur-dhuubo ayaa waxa ka soo horeeyay oo goobtaas ku sugnaa Malayshiyooyin ayaguna ka soo goostay dowlada oo gaaraya ilaa 30 ruux.

Ciidamadaan ayaa waxay ku xareysnaayeen oo tababar kugu dhamaaday Xerada Manaas, waxayna ka qayb qaateen dagaalkii dhawaan ay dowladu la gashay Maxaakiimta ee deegaanka Diinsoor, mana ahan kuwii ugu horeeyay ee ka soo jeeda deegaankaas oo ka soo goosta kana soo xanaaqa dowlada ku meel gaarka ah.

Sababta keenatay in Ciidamdaaani ka soo goostaan dowlada ayaa lagu tilmaamay wax yaalo ay ka mid yihiin nolol xumo daryeel la’aan iyo xaalada oo cakirantay ayaa keentay in ay deegaankoodi dib ugu laabtaan, ayagoo Malayshiyooyinkaani ka mid ahaa malayshiyooyin horey uga qayb qaatay xasinlinta deegaamada Balad xaawo iyo Buur-dhuubo.

Kadibna ku biiray ciidamda dowlada aygoo soo dhamaystay Tababar ayaa u suurtoobi weysay in ay ku sii nagaadaan Xerooyinkii ay joogeen ayagoo ku sugnaa Xerada Manaas ee gobalka Baay.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com