![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Dagaalo Xoogan oo u
dhaxeeya Maxaakiimta iyo dowlada
oo ay saacidayso Ethiopia ayaaka
soo cusboonaaday Gobalka Baay.
Arbaco,Dec,20,2006 Dagaaladaan ayaa ka soo cusboonaaday Gobalka Baay dhowr meelood oo ka tirsan waxaa Shalay, Xalay iyo Maantaba ka socday dhowr meelood oo ka tirsan Gobalka Baay dagaalo qaraar oo ay isga hor imaadeen Ciidamda Maxaakiimta iyo kuwa Dowlada oo ay saacidayaan kuwa dalka Ethiopia ee ku sugan gudaha Gobalka Baay. Dagaalkii Shalay Galabtii ka dhacay deegaanka Iidaale ayaa waxaa wararku sheegayaan in deegaankaas dowlada looga qabsaday deegaankaas oo gacantooda laga bixiyay, kadib dagaal qaraar oo dhowr saacadood socday oo dhex maray Ciidamda Maxaakiimta iyo kuwa dowlada oo ay taakulaynayaan kuwa Ethiopia. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashan dhiga ee dowlada Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay asagoo dagaalkaas ka hadlayay in Guushu dhakooda ahayd , waxa uuna sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 10 askari oo kuwa Maxaakiimta ah halka ay ayaga uga dhinteen 1 askari 2 kalana ay uga dhaawacmeen. dhanka Maxaakiimta ayaa ayana sheegaya in dagaalkii Maanta ka dhacay Iidaale ay guul weyn ka gaareen kadib markii ay dhamaan gacanta ku dhigeen deegaankaas in kastoo wararka halkaas ka imaanaya ay sheegayaan in ay Maxaakiimtu gacanta jku hayaan Iidaale hadana ay Ciidamada dowladu ay joogaan meel aan sidaa uga fogayn waana dagaalkii Saaka ka dhacay deegaankaas. Dhanka kale ayaa waxaa isla maanta dagaal qaraar ka dhacay deegaanka Daynuunaay, asagoo dagaalkaasi ka bilaamay inta u dhaxaysa Mooda-Moode iyo Buur-hakaba waxa uuna u faafay dhanka Magaalada Baydhabo ayadoo goor duhuradii ahayd ay Ciidamda Maxaakiimtu ay gacanta ku dhigeen Xerada Ciidamda ee Daynuunaay oo Magaalada Baydhabo u jirta in lagu qiyaaso 30 km. Maxaakiimta ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Daynuunaay, inkastoo dhanka dowlada ayna jirin wax wara oo ku saabsan dagaalkaas oo ka soo baxay in kastoo dhowr Mas'uul oo dowklada ah oo hadashay ay ka gaab saden in ay ka hadlaan dagaalkaas qasaarihiisa. Wasiirka Warfaafinta Jangali ayaa isagu sheegay in ay dib kasoo sheegi doonaan qasaaraha dagaalka ayadoo Wasaarada Arrimaha Caafimaadka ,Wasarada Gaashaan dhiga iyo Wasaarada Warfaafinta ay shir u socdo ayna soo saari doonaan war wadajir ah qasaarihii iyo waxii uu keenay dagaalkaas. Wararka ugu dambeeyana waxa ay sheegayaan in dagaalku uu wali socdo haba ka fududaado kii saakay, wax war oo waqtiyadaan damnbe ka soo yeeray labada dhan ma jiraan. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||