![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Degmada Baardheere oo dhaqa dhaqaa
laga dareemayay Maanta ayadoo la
filayo in ay dhawaan gaaraan
Ciidamo ka socda Maxaakiimta
Islaamka.
Arbaco,Dec,20,2006 Degmada Baardheere ayaa maanta kacsaneed ayadoo laga dareemayay dhaq dhaqqaqyo dagaal iyo abaabul ciidamo la aruurinayo kuwaasoo la doonayo in ay iska difaacaan Ciidamada Maxaakiimta oo la sheegayo in ay dhawaan ku fool leeyihiin deegaanka Baar-dheere oo uu gacanta ku hayo Wasiirka Gaashaan-dhiga ee dowlada ku meel gaarka ah Barre Hiraale. Taliye Ciidan Sare oo ka tirsan Dowlada oo la yiraahdo C/risaaq Fartaag ayaa sheegay in ay la socdaan in Ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan degmada Diinsoor ay u soo ruqaansadeen degmada Baar-dheere aygoo doonaya in ay la wareegaan talada degmada, waxa uuna raaciyay in ay u diyaar garoobeen oo haddii ay isku soo dayaan in ay ku soo duulaan degmada Baar-dheere ay jawaab culus kala kulmi doonaan. Fartaag ayaa sheegay in ay Maxaakiimtu kala kulmi doonaan Cawaaqib xun oo aysan ka soo waaqsan, waxa uu yiri waan ognahay waxa ay leeyihiin waa naloo yertay inta ay dadka ku duulaan, waxa uuna qirtay in dhawaan dagaal ku dhex maray ayaga iyo Ciimada Maxaakiimta oodagaalkaas looga adkaaday. Warar dheeraad ah ayaa sheegay in Ciidamada Maxaakiimta ee ku sugnaa Diinsoor ay u ruqaansadeen dhanka deegaanka Baar-dheere oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Gaashaan dhiga ee dowlada ku meel gaarka ah Barre Hiiraale. Magaalada Baar-dheere ayaana lagu soo waramayaa in xaaladu kacsan tahay ayadoo ay jiraan dad doonaya in ay Maxaakiimtu goobtaas tagaan inkastoo mas'uuliyiinta deegaankaasi ay diideen in ay jiraan dadkaasi oo ay sheegeen in dadka deegaankaas ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan weerar uga yimaada Maxaakiimta Islaamiga ah Si kastaba ha ahaatee waxaa iska cad in mar uun la iskugu tagayo deegaankaas oo Maxaakiimtu doonayaan in ay ka taliyaan ciidamda dowladuna ay doonayaa in ay ku sii nagaadaan. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||