![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu
hogaaminayo u qaynsanaha xagga
horumarinta iyo gargaarka
bani-aadnimada oo Maanta soo
gaaray Magaalada Baydhabo.
Arbaco,Dec,20,2006 Wafdigaan ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ayadoo gobalka Baay ay Maanta ka bilaameen dagaalo u dhaxeeya dowlada iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, Wafdigaan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Guddi loo magacaabay shalay soo dhaweynta Wafdigaas oo ka kooban 14 xubnood. Wafdigaan oo uu hogaaminayay u qaybsanaha Midowga Yurub Xagga horumarinta iyo gargaarka bani-aadnimada Louis Michel oo ay wehliyaan xubno ka kala socda Jaamicadda Carabta iyo Urur Gobaleedka IGAD, markii ay soo gaareen Baydhabo waxay la kulmeen Rai'sul wasaare Cali Geedi, Madax weyne goboleedka Putland iyo dhowr Wasiir oo ka tirsan dowlada ku meel gaarka ah. Intaas kadibna waxa uu Louis Michel iyo wafdiga intiisa kale u gudbeen kulan ay lahaayeen Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu halkaas kala qayb galay ayagoo is weydaarsaday oraahyo iyo fikrado kala duwan dood kadibna waxaa goobta ka hadlay Louis Michel oo ka hadlay dhowr arrimood. Waxa uu sheegay in ay Midowga Yurub garab taagan yihiin Baarlamaanka Soomaaliya,waxa aan tageersanahay dareenka idinka muuqda iyo dareenka dowlada ka muuqda, waxa uuna raaciyay in ay garab taagan yihiin dowlada iyo Baarlamaan, ayadoo xubnaha Baarlamaanka ee fahiga ka soo qayb galay ay gaarayeen 164 xubnood. Arrimaha ugu muhiimsan ee uuWafdigaasi u socdo ayaa waxaa ka mid ah in dib loosoo celiyo wadahadaladii u dhaxeeyay Maxaakiimta iyo dowlada inkastoo xilligii uu tagay Gobalka Baay uu ku aaday xilli uu dagaal kasoo cusboonaaday. Wafdigaan ayaa Baydhabo uga sii gudbay dhanka Magaalada Muqdisho, Waxaana markii ay yimaadeen Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Kuxigeenka Guddoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh C/maan Janaqow, waxaana la geeyay Hotel Ramadaan oo halkaas Qado loogu sameeyay kadibna waxay shir albaabadu u xiran yahay la yeesheen Mas'uuliyiinta Maxaakiimta oo uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||